Gudaha  Ka Eeg :Masuuliyiin Xukuumadda Ah Oo Booqday Xafiiska Xisbiga Kulmiye Ee Degmada Maxamuud Haybe, Isla Markaana Agab Ciyaareed Wareejiyay .

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Kalluumaysiga Somaliland Dr Fu’aada C.salan ayaa maanta agab ciyaareed ku wareejiyay madaxda Degmada Maxamuud Haybe Ee Xisbiga KULMIYE .

Munaasibad Kooban oo saaka ka dhacday Xarunta Xisbiga KULMIYE ee Degmada Maxamuud Haybe, ayaa waxaa  ka soo qeyb galay Wasiiru Dawlaha Ganacsiga Mudane Maxamuud, Sarkaal-sare oo ka tirsan Xisbiga KULMIYE Mudane Xuseen Badmaax, Muj Khadar-Caano oo ka mdi ah Madaalayaasha Xisbiga KULMIYE, iyo Madaxda iyo Xubnaha Xisbiga Ee Degmada Maxamuud Haybe .

Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay Madaxda Degmada Maxamuud Haybe Ee Xarunta KULMIYE, waxaanay gacmo-fran ku soo dhaweeyeen Madaxda Soo Booqatay, iyagoo sheegay in xaruntani muddo 7-Bilood ah shaqaynaysay, Isla markaanaa ay aad ugu mahad-naqayaan Madaxdan soo booqatay .

Siyaasi Xuseen Badmaax oo halkaasi ka hadlay ayaa dhalinyarada ku amaanay sida ay u wadaan hawlaha Xisbiga, Waxaanu ku dardaaray in ay dadaalkooda halkaa ka sii wadaan .

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Kalluumaysiga Fu’aad C.salaan oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada booqashadoodani daarantahay sidii loo dardar-galin lahaa hawlaha Xisbiga, waxaanu ballan-qaaday in aanay booqashadan maanta aanay noqon doonin tii ugu danbaysay .

Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Ganacsiga Mudane Maxamuud Warsame oo halkaasi ka hadlay ayaa dhalinyarada u mahad-naqay, Waxaanu ku booriyay in aanay hawlaha Xisbiga u kala hadhin oo ay dadaalkooda iyo tamartoodaba galiyaan, isagoo carrabka ku adkeeyay in  Codka Bulshada Degmada Maxamuud Haybe aan loo baqayn oo ay Xisbiga KULMIYE diyaar ula yihiin .

Ugu danbayn Agaasimaha ayaa agabkaasi si rasmi ah ugu wareejiyay Madaxda Xisbiga KULMIYE Ee Degmada Maxamuud Haybe .

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso