Codkaaga ku ciil bax oo ku hubso halkii Roon

Codkaaga ku ciil bax

Nin sagaashanjirayoo,
Caqligiisusuganyoo,
Erayada si sahaliyo,
Sibiqaan u odhonoo,
Siigadadhacaysaa,
Halka ay kusugantanay,
Saansaanyaqaanoo,
Xidigahasirtoodiyo,
Midbasoohdintuumaro,
Sida ay u yaalaan,
Sifaheedyaqaanoo,
Soojireenwaxaanahay,
Saadaashagarankara,

Hadaba aan sir hoosiyo,
Warka idinku sooree,
Xalaybaan saqdii dhexe,
Cabaar samada eegoo,
Meeraha sagaalka ah,
Saddex way sinaayeen,
Saafi bay ahaayeen,
Saxal way maqnaydoo,
Waa tii ina sagootiday,
Inta kale sin-dadab bay,
Dayaxa ugu soohnayd,
Waxa saaxadii yiil,
Sawir baaxad waynoo,
Taajbaa dulsaarnaa,

In kastoon la suggikarin,
Oo sirtaa la helikarin,
Jiilaalku sahaliyo,
Silmibuu u muuqdaa,
Ma saluugin cimilada,
Colaad seefaheedii,
Soonaha kumaan arag,
Nabadaa sugnayndoo,
Golaha ugu sad roonayd,
Dabayluhu simbiidhiyo,
May sidin waxyeelada,
Saansaan barwaaqaa,
Sifaheedii muuqdaa,
Nabadeena suganiyo,
Samirkaa ina saaciday,

Hadaba aan sifeeyoo,
Saafsaafo hadalkoo,
Sawirkani wuxuu yahay,
Si cad kuugu sheegee,
Adiguna wax suuree,

Ninka aan sugaynaa,
Loo sacaba tumayaa,
Kursigaa ku siqayaa,
Saadaashu haysaa,

Waa nin maata soor loo,
Subaxii la toosaba,
Sabadiina joogoo,
Maalintay siloontahay,
Sicir bararku waynyahay,
Saamayntu gaadhoo,
Seladiisu madhantahay,

Waa nin seban barwaaqiyo,
Soomal-haadka jiilaal,
Kala saari kara oo,
So’da ceelka geli kara,
Waa nin sama-falbadanoo,
Samir lagu yaqaanoo,
Sal-fudayd lahaynoo,
Sarsariigin hadalkoo,
Suuliya colaadoo,
Sama-diidka qabankara,

Erayadan sarbeebani,
Hadii ay ku seegeen,
Si kalaan u dhigayaa,
Adiguna wax suuree,

Dunidu way silowdoo,
Waa laysa seegoo,
Dabbaa lagu siraadoo,
Nabadii la sugi jiray,
Hadda waa la sarayaa,
Meel shalay siraadnayd,
Maanta waa saleel madhan,
San-ku-neefleh kumajiro,
Sabadaad ku nooshiyo,
Soohdima bal eeg-eeg,
Afrikada bal soo arag,
Colaad seexan waydaa,
Surka loogu wada xidhay,
Dalkeenaa saliimoo,
Cadawgii saluugeen,
Sahan baa inagu maqan,
Inanna way-isa-sudhanahay,
Wax sakaaro tuurtiyo,
Saxarbaan ku muranaa,
Sadarka u garaacnaa,

Mar haday sidaa tahay,
Tallo yay ku seegine,
Ninka aan sugaynaa,
Loo sacaba tumayaa,
Kursigaa ku siqayaa,
Saadaashu haysaa,

Waa nin suudhka tuuroo,
Soofaysta warankoo,
Soodhka isku giijoo,
Siikaawe qaatoo,
Sahaydiisa duubtoo,
Soma-jeestayaashii,
Siidhi u afuufoo,
Si yar wax ugu sheegoo,
Safka hore istaagoo,
Socod dheer intuu galo,
Halka cadowgu seexdee,
Saldhigiisu uu yahay,
Saqdadexe ku beegoo,
Seenyaalle bixiyoo,
Cadowgii sunsumiyoo,
Xuduudaha safayn kara,
Dadku nabad kuseexdaa,

Waa nin baarqab sibir godon,
Surku uu madow yahay,
Laba sabar u kala go’ay,
Soofaystay miciyaha,
Soobixiyay doobtii,
Seetada ku xidhikara,
Waa nin seermawaydada,
Maalmaha siciidka ah,
Faras siinad loo xidhay,
Sabarkiisa fuuloo,
Inta uu ku sarakaco,
Gacmaha sare u taagoo,
Sekedaha ka boodoo,
Shacabku uu salaamaa,

Ninka aan sugaynaa,
Loo sacaba tumayaa,
Kursigaa ku siqayaa,
Saadaashu haysaa,

Waa nin baahidii sugan,
Dadku waxay ka simanyiin,
Subax nool dhex joogoo,
Ardaygii saboolee,
Sabarkiisu godanyahay,
Isha saari karaoo,
Gacantiisu soortoo,
Intuu suuqa soo galo,
Sirta hoose helikara,
Waa nin seben horoo tegay,
Somali-wayniyo,
Sal-fudayd-dhaqaaqii,
Soof-daranhabowgii,
Saamiga qawadayoo,
Derajada u saydhoo,
Haddaa laysa saxayaa,
Soomalibaannahay,
Soonoqo walaalkay,
Sirtoodii qarsoonayd,
Hadalkii siloonaa,
Sahal loogu odhan karin,

Hadaba waan sikanayaa,
Salaadiihabeenkiyo,
Sunahaan tukanayaa,
Aan idin sagootiyo,

Somaalilandeey,
Hebel baa sidaa raba,
Waxbahaysku seegina,
C.V.ga eegoo,
Sadarada u fiirsada,
Iyadaa sirtoodiyo,
Taariikhda suganiyo,
Sooyaalka nololeed,
Ninba wuxuu ku soognaa,
Sanadle ugu qoranyiin,

Kala saar sax iyo qalad,
Baarlamaanka soo eeg,
Sodon bay ku joogaan,
Saamigu ma buuxsamo,
Safar bay ku maqanyiin,
Idina waa sugaysaan,
Sir-ma-qabe ha noqonine,
Doorkan wiil socdaalihi,
Yuu idin sinsaarayn,
Berri sooray idin odhan,
Codku yuu sidalagiyo,
Sahal kaaga soobixin,
Warankaagii sooyaal,
Surmaseegto yuunoqon,

Waxba yaanan siidayn,
Sidaheeda manaasoo,
Yay ila sisibanine,
Aan soo sargooyee,
Shacabow wax suuree,
Hadalada siloonka ah,
Suxufiga ha gaadhsiin,
Noloshiina sahansada,
Sawirada u fiirsada,
Xaqu saamiguu helo,
Sacabada u wada tuma,
Nadabana la saaxiib,
Calankuna salaam mudan,

Advertisement

Ku Xayeysiiso