Wax Akhris La’aantu Dhibta Ay Inna Badday Ayaa Kelliftay In Qummanida Diyaaradda Iyo Qaladka Gabadha Kala Saari Wayno!

FLYDUBAI IYO GABADHA ILMAHA WADATAY: Wax Akhris La’aantu Dhibta Ay Inna Badday Ayaa Kelliftay In Qummanida Diyaaradda Iyo Qaladka Gabadha Kala Saari Wayno!

 

 

Gabadh ilmo yar wadata ayaa kursigii ay diyaaradda ku lahayd u beddeshay qof waayeel ah iyada oo diyaaradda gudaheeda ku sugan! Waxa ay kursiga beddeshay iyada oo aan ogaysiin maamulka shirkadda Flydubai iyo shaqaalaha diyaaradda midna (Air Agency Administration & Cabin Crews)!

Markii la ga codsaday in ay kursigeedii dib ugu noqoto waa ay diidday waxana ay sheegtay in ay ilmo yar wadato oo dhanka daaqadda aaney fadhiisan karin! Hadda ticket ka ay goosatay iyo heshiiska iyada iyo diyaaradda dhex maray kursi beddelashada sharci caalami ah ayaa uga meel yaal!

Wasiir ayaa soo dhex galay oo dalbaday in uu Captain ka diyaaradda la hadlo! Captain kii markii uu go’aankii u sheegayna waxa uu doortay in uu diyaaradda kala dego gabadha iyo ilmaha yar! Sida muuqata wasiirka markaa war uma hayo waajibka rakaabka saaran muddada safarka ee ay tahay in uu falo iyo xaqa diyaaraddu ay bixiso!

Wasiirku marnaba isku ma uu dayin in uu gabadha ku qanciyo in ay ku laabato kursigii ay diyaaradda ka kiraysatay! Markii raalli-galin diyaaraddu ay siisay na waxa uu u sheegay in ay gabadha la dulmay siiyaan raalli-galin! Gabadha uu wasiirku raalli-galinta u waydiinayo diyaaradda waa gabadh aannu hubin sax iyo qalad midka ay ku joogto!

Qoraalkaa wasiirka dadka ka faalloonayaa 99% waxa ay u arkaan in diyaaraddu qaladka sameysay oo gabadhu saxneyd! Sidoo kale waxa ay boogaadinayaan wasiirka iskii diyaaradda uga degay oo weliba qaarkood ay leeyihiin tallaabo sharci ah diyaaradda ha la ga qaado!

Dadkaasi ma oga oo war uma hayaan in madaarku yahay dhul caalami ah oo aannu Somaliland ka tirsaneyn sida qawaaniinta adduunku qabto! Ma na oga in diyaaradda iyo Somaliland ay heshiis caalami ah kala saxeexdeen oo dhan walba waajib gaar ahi saaran yahay.

Sidoo kale waa ay ilduufsan yihiin in gabadhu ay ku safrayso Baasaboor aan ahayn kan Somaliland meel kalena ay muwaadinad ka tahay! Sidaa soo ay tahay, Somaliland waxa ay rabtaa in ay dunida ka mid noqoto, xeer iyo qawaaniin adduun na halkaa ayaa la ga joogaa oo sidaa ayaa loo ga arradan yahay!

Inta aan ummad dhammi sidaa u caadifoon, saw ma ay wacnaateen in la fahmo, wax la ga barto oo la yaqiinsado waxa ay shuruucda caalamiga ah ee madaarada, diyaaradaha iyo hay’aadka duulimaadyada heer caalami, gobol amma qaran ay ka qabaan in uu qof kursigiisa beddelo isaga oo diyaaradda ku dhex jira?

Saw ma aha in la garto xeerka iyo heshiiska ka dhexeeya rakaabka (qofka diyaaradda raacaya) iyo diyaaradda? Marka intaa la fahmo saw ma aha in qalad iyo sax ficilka loo naaqisho mise waa iga gee’ iyo in hab-fekerka dhaqan Soomaaliga ah ee gar iyo gar-darro keliya la gu jaangooyo?

Saw adduunyadu inna la yaabi mayso, innaga iyo madaxdeenaba, haddii aynnu wax walba caadifad ku sargoyno? Ma se bannaan tahay qaran ahaan in aynnu u muuqanno xero geel oo kii wax hoggaaminayey iyo kii la hoggaaminayey ay hal meel fekerkoodu joogo?

Diyaaraddu in ay raalli-galin siiso wasiirka keliya ayey xaq u lahayd, waayo isaga ma uusan jabin sharcigii diyaaradda oo haddii aad jabiso diyaaradda la gaa rogayo! Sababta ay wasiirka u siisay raalli-galintuna waa in ay u arkeen macmiil ka huleelay. Waayo wasiirku isagu shakhsiyan sharci ma uu san jabin.

Wasiirku beer jilaaca iyo naxariista waa la gu mahadin karaa, laakiin dacwadi kama joogto cidda qaladka sameysay. Cidda qaladka sameysay waa cidda heshiiska ka baxday. Kurisga diyaaradda hal mar ayaa la beddeli karaa, waana inta aan diyaaradda la korin. Markaana lacag dheeri ah ayaa la bixiyaa si kursi cusub loo gu fadhiisto amma kii hore loo beddesho. Jimce Wanaagsan.

Mohamed Hagi Mohamoud

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso