Daawo: Weerar ka dhacay Meel u dhacay Buckingham Palace ee kutaala magaalada London. Maxaa Se Khasaare ka yimid

Nin Mindi ku hubeesnaa ayaa xalay weerar ku qaaday ciidamo katirsan booliiska dalka Britain oo ku sugnaa meel ku dhaw aqalka Boqortooyada ee Buckingham Palace ee kutaala magaalada London.

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in ninka weerarka geestay uu watay Mindi weyn, waxaana ciidamada booliiska oo istaajiyay kala hortagay Mindidii uu watay uu ku dhaawacay labo katirsan booliiska.

Ninkan ayaa diiday in uu dhiibo mindidda waxa uuna dagaal kala hortagay ciidamada booliiska, labo kamid ah ciidanka booliiska ayaana dhaawacyo fudud kasoo gaareen weerarkan ka dhacay magaalada London.

Ciidamada booliiska ayaa xiray ninka weerarka geestay oon wali la shaacin magaciisa iyo halka uu kasoo jeedo, waxaana laamaha amaanka ay tuhmayaan in weerarkan uu yahay mid xariir la leh argagaxiso.

Magaalada London waxaa dhoor mar ka dhacay weeraro loo adeegsaday qaraxyo, Gaadiid iyo Mindi, waxaana inta badan weeraradan masuuliyadooda sheegtay kooxda Khilaafada Islaamka ee Daacish.

Advertisement

Ku Xayeysiiso