Daawo :Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo Xadhiga Ka Jaray Dhawr Iyo Toban Xafiis Oo Laga Hirgaliyay Degmooyin Ka Tirsan Caasimadda + Sawiro

 

Guodomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Fasyal Cali Waraabe ayaa maanta xadhiga ka jaray Xafiisyadii ugu badnaa ee Xisbi ku yeesho Caasimadda Hargaysa Ee Somaliland .

Gudoomiyaha oo ay weheliyaan Qaar ka mid ah Saraakiisha Sare ee Xisbigaasi oo ay ka mid ahaayeen Xog-hayaha Guud Ee UCID, Gudoomiyaha Ololaha UCID, Qaar ka mid ah Xog-hayayaasha Xisbiga, Gudoomiyayaasha Xisbiga Ee Heer Gobol iyo Heer Degmo, Garabbada Haweenka iyo Masuuliyiin kale ayaa maanta xafiisyadii ugu badnaa xadhiga ka jaray, kuwaas oo laga hirgaliyay Degmooyinka Axmed-Dhagax, Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge .

Waxaana ay dhamaan Masuuliyiintaasi ay xarumihii la furayay ka jeediyeen khudbado ku aaddan Xisbiga UCID iyo Barnaamijka Siyaasiga ah ee uu ugu talo galay in uu dalka ku hogaamiyo, Waxaanay bulshada ugu baaqayeen in ay Codkooda ugu hiiliyaan Mustaqbalkooda .

Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo xarun kasta ka jeediyay khudbad taariikhi ah, ayaa si wayn uga hadlayay qabyaaladda iyo dhibaatada ba’an ee ay dalka ka gaysatay, waxaanu ku boorinayay dhamaan bulshada ku dhaqan Caasimadda in ay Xisbiga UCID ku doortaan Qarannimo iyo Midnimada Somaliland, oo ay ka baydhaan Murashaxiitna qabyaaladda ku suntan .

Sidoo kale Murasahax Faysal ayaa ku dardaaay in ay gartaan Murashaxa mustaqbalkooda dhisayaa, oo ay fahmaan cidda loo codeenaya in ay tahay Saddex Murashax .

Xarumihii ugu badnaa ayaa laga hirgaliyay Caasimadda, Waxaana dadaalka ugu badan ku bixiyay Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex oo muujiyay karti iyo dadaal dhan walba ah .

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso