Gudaha Ka Eeg :Khilaafkii Golaha Wakiilada Oo La Soo Af Jaray .

Guddoomiyaha ahna Murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ku guulaystay khilaaf ka dhashay doorashadii Guddoomiyaha cusub ee Wakiiladda ee 7dii bishan qabsoontay oo natiijadeeda lagu murmay ka dib markii sida la sheegay la isdabo-mariyey labadii natiijo ee ay doorashadaas ka kala heleen Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle iyo Baashe Maxamed Faarax oo mansabkaas Cirro iska casilay ku tartamay.

Waxa doorashadan ka dhacday fadeexad ugub ku ah saaxadda siyaasadda waddanka oo ah in codbixintii doorashada guddoomiyaha lagu murmay iyadoo Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle uu sheegay in 39 kii mudane ee isaga u coddeeyay loo yeedhiyay Baashe Maxamed Faarax oo isagana ay u codeeyeen 38 xildhibaan, balse natiijadii si fajiciso noqotay loogu dhawaaqay in Baashe Maxame Faarax ku guulaystay xilka guddoomiyaha cusub ee Wakiillada.

39-kii Xildhibaan ee u coddeeyay Xildhibaan Talyanle ayaa maalin ka dib dacwad ka dhan ah doorashadaas u gudbiyey maxkamadda sare ee dastuuriga ah, ayaa go’aamisay in lagu kala baxo xeer hoosaadka golaha wakiillada.

Khilaafka jiitamay waxa uu xanibay shaqadii golaha, iyadoo muddo saddex toddobaad ah aanay wax shaqo ah qaban xildhibaannadu oo xataa ay adkaatay in la buuxiyo guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee aqalkaas oo wali bannaan.

Guddoomiyaha ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ku guulaystay inuu furdaamiyo khilaafka aqalka wakiillada kala qaybiyay, isagoo ay u suurtogashay inuu isu keeno labadii xildhibaan ee ku muransanaa guddoomiyenimada golaha, waxaannu ka dhex dhaliyay inay isku tanaasulaan oo ay isu daayaan xilkan.

Waxa kaloo la isla qiray in Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle helay 39 xildhibaan, hase ahaatee uu isagoo qaranka u tudhaya uga tanaasulay xilkan Baashe Maxamed Faarax.

Baashe Maxamed Faarax ayaa dhinaciisa qiray in loo tanaasulay waxaannu amaanay Xildhibaan Talyanle oo u tanaasulay iyo Guddoomiye Cirro oo isu keenay.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso