Dhalinyaro Loo Soo Kiraystay Inay Camiraan Xafladdii WADDANI Oo Weedho Kaadiriinta Xisbiga Ka Nixiyey Kaga Tiraabay Madashii Maansoor 

 

DAAWO Video: Dhalinyaradan oo Basas  Laga Soo Ururiyey Xaafadaha Hargeysa  Oo Xisbiga WADDANI  Weji Gabax kala kulmay

 

 

Hargeysa (Togaherer) – Xisbiga Wadani ayaa Maanta Ceeb iyo fadeexad ka qaaday kooxo dhalinyaro ah oo ay Basas kaga soo qaadeen xaafada calaamada ee Magaalada Hargeysa, si ay ugu camiraan kuraasta hoolka Maansoor oo ay xaflad ku lahaayeen

 

Dhalinyarada oo lagu sido Basas ayaa ku qaylinaayay in ay taageero u hayaan Xisbiga Kulmiye iyo Musharaxiisa Muuse Biixi Cabdi.

 

Saraakiisha sare ee Xisbiga Wadani ayay arrintani ku noqotay Waji Gabax maadama dhalinyaradii la soo qalday ee Basaska lagu Soo qaaday mar qudha ku qayliyeen Kulmiye ayaanu nahay iyo ha noolaado Musharaxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi

 

Xisbiga Wadani oo hore ugu Caan baxay in uu soo afduubo dhalinyarada, kuna soo Qaado Basas si ay hotel-da iyo kuraasta ugu camiraan ayay dhacdadii maantu ku noqotay Fajac iyo Af kala qaad.

 

Dhalinyaradan uu Xisbiga Wadani Maanta Soo afduubay ayaa intii ay maraayeen wadooyinka waaweyn ee Magaalada Hargeysa waxay si farshaxanimo ku dheehan tahay ugu luuqaynaayeen amaan ay u hayaan Xisbiga Kulmiye iyo Musharaxiisa Muuse Biixi Cabdi

 

Xisbiga Kulmiye ayaa taageero wayn ku leh qaybaha kala duwan ee Bulshada Somaliland iyada oo taageerayaasha ugu badani ku nool yihiin Magaalada Hargeysa

Advertisement

Ku Xayeysiiso