MUUSE IYO AXMED HADMAY IS AHAAYEENBA?

Muuse Biixi iyo Axmed Jaambiir weligoodba ismay ahayn. Muuse kuwa uu marka hore isagu soo qaado ee isagu wax ka dhigo ayuun baa marka dambe halaqyo iyo dibqaloocyo ku noqon jiray oo isaga loo adeegsan jiray. Shirkii Baligubadle kursigii Golaha Dhexe ee Xuseen Abokor Muuse ayaa Axmed Jaambiir ku fadhiisiyay waana halkii uu salaanka siyaasadda ka soo fuulay 1990kii. Laga soo bilaabo maalintaa wuxu wax ku noqon jiray dagaalka siyaasadda oo loo adeegsan jiray Muuse Biixi.
AHN eh Cabdiraxmaan Tuur iyo Cigaal oo labadaba uu ka hor yimi Muuse Biixi budadkii ay la dhici jireen ayuun buu Axmed Jaambiir ka mid ahaa. Wakhtigaa iyo ka horba aniga laftaydu Muuse waan diidanaa oo waan ka soo horjeeday laakiin waxanu ku kala duwanayn anigu aniga ayaa haystay oo talada ayaanu isku haynay in badan ayaa la isku deyay in la ii adeegsado laakiin waan diiday weligayna Muuse qof kale oo isaga ay is hayeen umaan soo raacin. Tusaale waxa ah markii la xidhay waxan ahaa ninkii koobaad ee la doonay in lagu bedelo laakiin waxan ahaa ninkii shiriyay saraakiisha qaybta galbeed gaar ahaan HA ee ku qanciyay in aan midkaayona aqbalin inu qabto xilkii Muuse Biixi laga xidhay.Waxan ahaa ninkii u sheegay Gudoomiyaha SNM go’aanka saraakiisha qaybta galbeed ee qaadacaadda xilkii Muuse laga xidhay aniga oo weliba ka mid ahaa shakhsiyaadkii ka soo jeeday dhinaca Gudoomiyaha Axmed Silanyo wakhtigaasi ee weliba ugu dhawaa. Sababta aan u sheegay Gudoomiyuhu waxay ahayd ” Gudoomiye aniga oo arintii dhacday ka xun kana soo horjeeday hadana waxan u arkaa in xadhiga saraakiisha Qaybta Galbeed uu siyaasadaysan yahay sababahaa iyo dhacdooyinkaa kale ee la xidhiidha marka aan eegay sidaa daraadeed waxanu ku heshiinay markii ugu horeysay in xilkaa aan aniga iyo sarkaal kale oo qaybtayda ahi toona aanu aqbalin inu qabto xilkaasi. Laakiin saraakiishii aanu go’aanka wada qaadanay oo isu dhan iyo xoghayahaaga Ciidanka Xoraynta(Cabdisamad Xaaji Gamgam) ayaa go’aan ku soo gaadhay in aanay ka maarmi karin qaybtu taliye xidhiidhiya Taliska Guud iyo hogaanka xisbiga ka keliya ee xaaladan adag aan looga maarmi karinina uu yahay Caligurey oo Axmed Mire iyo XasanYoonisna xidhiidh fiican la leh Gudoomiyahana ka ag dhaw isla markaana aan aqbali doonin wax dhibaatayn kara Qaybta, sidaa ayay iigu yimaadeen iyagoo is wata aakhirkiina waan aqbalay waxanan ku aqbalay talo loo dhamaa muxaafid iyo mucaarid Qaybta Galbeed iyo gaar ahaan kalsoonida ay igu qabeen dhamaan Mujaahidiinta Qaybta Galbeed iyo kuwa qaybaha kale ee Ciidanka Xorayntu”.

Markii laga soo dareeray shirkii Baligubadle ee Muuse dhinaca mucaaridka la saftay markiiba waxa loo yeedhay Axmed Jambiir oo Xoghayaha Maaliyadda laga dhigay si uu Muuse sutida ugu qabto waanu aqbalay. Cigaal AHN markii Muuse iyo colkiisii la isku dhacay isaga ayaa hadana loo yeedhay oo Wasiirka Arimaha Gudaha laga dhigay si uu Muuse sutida ugu qabto waanu aqbalay. Waxan markhaati ka ahay inta aan ogahay ee Ilaahay igaga sareeyo in Axmed Jaambiir xil aanu Muuse daraadii ku helin aanu qabanin intii aan goobjooga u ahaa tan iyo 1990kii. Isaga iyo ragga gidaarada laga soo jafay kamay dhex muuqanin siyaasadda xisbiyada siyaasadda Parking-ka ayay yaalern hadana sabab kale looma soo kicinin oo aan ahayn ololaha ka dhanka Musharaxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi waana caadadii isaga iyo kuwo kaleba

Advertisement

Ku Xayeysiiso