Gudaha Ka Eeg :Murashaxa Madaxweyne Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyay Arabsiyo Iyo Gabilay + Sawiro

Gudoomiyaha ahna Murashaxa Madaxweyne Ee XIsbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa manta si balaadhan loogu soo dhaweeyay Magaalada Arabsiyo .

Waxaana Gudoomiyaha soo dhawayn balaadhan ku qaabilay Taageerayaal Laxaad leh, kuwaas oo kor u luxayay calanka astaanka u ah xisbiga UCID, Isla Markaana ku dhawaaqayay Ereyo Soo Dhawayn ah .

Gudoomiyaha Xisbiga UCID ayaa xadhiga ka jaray Xafiis Cusub oo Xisbiga UCID ku yeelan doono Magaalada Arabsiyo .

Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa meel fagaare ah bulshada Reer Arabsiyo uga jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysaa, waxaanu dib u milicsaday taarikhdii Somaliland iyo sidii loola soo noqday xorriyadii luntay ee Somaliland .

Murashaxa ayaa sheegay in aanu jirin wax is beddel ah oo ku yimid Arabsiyo Muddo sannado ah oo aanu soo booqan .

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa dul istaagay baahiyaha ka jira Deegaanka oo ay kow ka tahay maal-galin la’aan haysata bulshada dhul-beeratada ah, waxaanu Murashaxu u ballan-qaaday in uu wax qabad la taaban karo uu ka hir galin doono Deegaankaasi .

Murashaxa ayaa cod dheer ku sheegay in la dhaafay wakhtigii qabyaaladda iyo jeegaanta, waxaanu ugu baaqay in ay midnimada Dalka ka door-bidaan qabyaaladda .

Geesta kale Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa maanta si balaadhan loogu soo dhaweeyay Gobolka Gabilay .

Waftiga ayaa waxaa Taageerayaashu kaga hor tageen goob ka baxsan Magaalada, iyadoo markii danbe loo soo galbiyay Gudoomiyaha iyo waftiga Beer ka mid ah kuwa Gabilay oo uu Gudoomiyaha lagu soo dhaweeyay Dibida Qodda Beeraha, sidoo kalena Gudoomiyaha ayaa fuulay Cagaf nooca lagu qodo beeraha, iyadoo markii danbena loo galbiyay Gudaha Magaalada iyo Xarunta Guud Ee UCID .

Waxaana halkaasi ka hadlay Masuuliyiin kala duwan oo isugu jiray Masuuliyiinta Heer Gobol iyo Heer Qaran, Waxaanay Dhamaantood ku nuux-nuuxsadeen sida Dalku ugu baahanyahay is beddel dhab ah, waxaanay Bulshada Reer Gabilay uga mahad-naqeen soo dhawaynta qiimaha badan ee ay ku qaabileen .

Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa meel fagaare ah kala hadlay bulshada Reer Gabilay, waxaanu uga mahad naqay soo dhawaynta balaadhan ee ay ku qaabileen .

Sidoo kale Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe waxaa uu ku dheeraaday baahiyaha kala gaddisan ee bulshadu la tabaalaysantahay iyo baylahda ka jirta hay’adihii Dawlaadda .

Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale Bulshada Reer Gabilay ugu baaqay in ay ka dheeraadaan qabyaaladda, isla markaana ay door bidaan qaranniamda, maadaama  bu yidhi qarannimo lagu helayo waxqabad .

Ugu danbayn Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa bulshada Reer Gabilay ugu baaqay in ay codkooda ku ciil-baxaan .

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso