Qabyaaladi Qaran ma Dhasho

QABYAALADI QARAN MA DHASHO

​Cumar Cumar Cali

Bulshooyinka  horumaray  haddii ay helaan jaanis ay ku doortaan ciddii hogaamin la hayd, waxay u tahay fursad dahabi  ah oo mar mar iyo dhif uun soo marta, iyaguna iskama dayacaan  ee si-fiican ayay uga faa’iidaystaan, waxaanay ku gaadhaan yoolka iyo himilooyinka  ay leeyihiin.

Hadaba inagu ma nahay Ummad  ku baraarugsan  ka faa’iidaysiga fursadaha dahabiga ah ee  soo mara xiliyada  doorashooyinku  dhacayaan.?

 Bulshadeenu ma dareensan tahay  in ay gacantooda  ku jirto   ciddii ay ku aamini la haayeen masiirkooda siyaasadeed iyo meesha aynu geediga  u rarayaan.?  Haddii aynu nahay reer S/land ma garwaaqsan-nahay   baahida  aynu  u qabo dhisashada  hanaan Dawladeed oo xoogan,  kaa soo ka shaqeeya  danaha iyo daryeelka  bulshadiisa.

Sideedaba Dawladnimadu waxay ka bilaabantaa  afar tiir oo laysku geeyay ku waa soo kala ah;-  Masgaxda, Maalka, Muruqa iyo Aqoonta,  haddii  intaasi iskaashadaan islamarkaana loo sameeyo Qorshe cad iyo Nidaam maamul oo isu dheelitiran  waa hubaal  in lagu liibaanayo.

 Dawladnimadu waxay mihiim u tahay ummadkasta oo ku nool dunida guudkeeda taa soo doonaysa in ay ka midho dhaliso himilada iyo hamiga ay leedahay.  Adeegsiga nidaam maamul oo xalaal ahi waa dariiqa  qudhaata ee  ummadduhu ku horumaraan, marka ay  doonayaan in ay ka biyo gaadhaan  ujeedooyinka iyo  aragtiyaha ay leeyihiin.

Waxaanay  u kala horumaraan hadba sida  ay u kala Dawlad wanaagsan yihiin iyo  siday uga shaqaysiiyaan Caqliga iyo garashada uu Alle swt addoomahiisa siiyay. Umad waliba wixii  ay Dawladnimda gashado ayuun bay ka goosataa. Haddii aad adigu tiin ka beerato,  ha ka rajaynin in ay timiri kaaga soo go’ayso, haddii aad timir ka  beeratana, ha  ka rajaynin in uu tiin kaaga soo go’ayo.

Hadaba  marka aan u soo noqdo  u jeedada iyo nuxurka  aan uga socdo maqaal-kaygan  kooban waxa weeyaan   inaan  iftiimiyo sababaha  ugu waa weyn ee lugta jiidaya habsami u socodka nidaamka doorshooyinka, taa sooy inoo muuqato in aynaan wali ku niyadsamaan  midhaha inooga soo baxay.

Waxay  aniga doodaydu tahay  in asalka mushkiladuhu ka  unkamayaan  hab-nololeedka  bulshadeena iyo sida  ay u fikirayso,.

Bulshadeenu  waxay ku abtirsanaa dhaqanka reer guuraaga, kaa soo xili aad u dheer aynu ku soo noolaayeen, waana sabab ka mid ah sababaha maanta dabada ka riixaya dareenka Qabyaaladeed ee dhulkeena ku baahay. Waxa uu dareenka Qabyaaladdu inaga weeciyay tubtii aynu  ku gaadhi lahayn himilooyinka iyo humaaga aynu higsanayno.  Waxa uu dareenka Qabyaalddu uu meesha ka saaray in hogaamiyaha la dooranayo loo eego astaamihii  lagu dooran lahaa  hogaamiye Qaran iyo Nin hiraale leh.

Haddii aynu si kale u dhigno waxa Qarannimadeena dhaawaca ku hayaa waa afkaarta Qabyaaladda, taa soo  aynu odhan karno way ku xididaysatay Bulshada dhexdeeda.

 Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Hal xaaraan ahi, Nirig xalaala ma dhasho.” Haddii dariiqa aynu wax ku dooranaynaa  yahay mid khaldan, midhaha ka soo baxaana noqon maayaan kuwa ina farax galiya, waana  ta keentay in masuulkii  aynu shalay  dooranay hadana maanta  ka niyad-jabsanahay.

Marka ugu horaysaba waxaynu wax ku dooranaa waa dariiqooyin khaldan oo aan ahayn, kuwii ay guulaha ku gaadheen dadyowgii inooga horeeyay Nidaamkan aynu qaadanay.

Tusaale ahaan, marka aynu dooranayno xildhibaan baarlamaan ama ku gole deegaan, waxaynu ku bilawnaa laba talaabo oo khaldan.Waa ta koobaade xildhabaan kasta oo  la dooranayo waxa uu ku yimaadaa magac qabiil iyo cod Qabiil, halkii ay ka ahayd in uu ku yimaado  cod Gobol ama ku Dagmo.

Waa ta labaade, Xildhibaan kasta oo  Qabiil wato  laguma soo xulo karti iyo aqoon hogaamineed  oo uu leeyahay,  ee waxa kaliyaatee ee logu soo xulaa  waa in uu buuxiyo saami-qaybsiga reerka dhexdiisa, islamarkaa kuwan soo xulayaana  malaha aragti Qaran iyo dareen ummaddeed ee waxa qudhaatee u muuqdaa waa saamiga reerka ay horboodayaan. Hadaba sida aynu ognahay ma jiraan adeegyo bulsho oo  reer gooni u leeyahay, ku waa soo haddii ay jiri la haayeen lagula xisaabtami lahaa Xildhibaanka reerku doortay.  Sidoo kale marka  la dooranayo  madaxweyne Qaran  iyana waa la mid oo Qabyaalad ayaa saldhig u ah, waxa kaliya  ee ay ku kala du wanyihiin waa heerka ay Qabyaaladdu taagan tahay,  oo marna Jufooyinka yar yar ee hoose ayaa ku loolama,  marna Qabiilooyinka waa weyn ayaa ku loolama kursiga Qaranka ugu sareeya.

Si kasta ha ahaatee  doorashada noocana waxa  laga dhaxlaa waa  shacabka oo kala fogaata, Dawladnimada oo tamar-daraata, dhaqaalaha oo curyaama iyo baahida  oo badata. Calaa kuli xaal waxaan bulshadeena   kula talinayaa  in aynu  dagaal naf hurid ah la galno  aafada Qabyaada ee wadankeena halakaysay si ay u badbaadino  rajada inoo muuqataa. By Cumar Axmed Cali,camarhamad333@gmail.com, tel; 0634244802.

 

 

 

 

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso