Gudaha Ka Eeg :Faah-faahin Ku Saabsan Nin Ku Hubaysan Baaskoolad Oo Weerar Ay Ku Geeriyoodeen Laba Askari Ka Gaystay Gobolka Sool .

Nin ku hubaysan Baaskoolad oo aan haybtiisa la aqoonsan, ayaa lagu soo waramay in uu caawa Fiidkii weeraray goob ka mid ah kuwa kaadh-ka codaynta laga qaadanayo  ee gobolka sool .

Wararku waxay intaas ay ku darayaan in labadii askari ee ilaalinayay goobtaasi ay geeriyoodeen, ka dib markii uu ninkaasi uu rasaas ku furay .

Ciidanka Police-ka iyo Maamulka Gobolka Sool oo is kaashanayaa ayaa ku daba jiaa qabashada Ninkaasi falkaas dilka ah ka gaystay Gobolka .

Magaalada Laascaanood iyo deegaannada hoos taga Gobolka Sool ayaa si habasami ah uga socoota kaadh-qaadashada kaadhadhka codaynta Somaliland ..

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso