Dalka iyo dadka qaarkii

Dalka iyo dadka qaarkii

Safar dheer oo deegaannada bariga Somaliland aan ku tegay  ka dib, wax weyn baa iiga soo baxay. Burco marka aad ka rogto Ceegaag, Widhwidh ilaa Buuhoodle iyo xadka iyo jiiddaas dhinac dheh; Caynabo iyo Oog hoos (Woqooyi) uga rog Barqomaal, Bankii Saraareed ilaa Huluul iyana dhinac dheh; dhulkaas baaxad ku siman 300 KM isku wareeg ah baan soo maray. Wax qofkii doonaa caadi u qaadan karo, ku kalena dhibi karta ayaan soo arkay.
Waa dalka aynu in badan ka warranno dhul ahaan intiisa badan, waa dadka aynu nahay qaybo lama huraan nolosheenna u ah. Si kooban oo kor ka xaadis ah waxyaalaha yaabka leh ee aan soo arkay waxa ay ahaayeen:
Dadka: Dad aan waxbarasho, caafimaad iyo adeegyo aasaasiga ah aan lahayn, meel walba ragga badankiisu qaad buu la huluulanayaa. Waa dad aan rejo qabin, xoolohooda badi abaartii laysay oo faromadhan. Faan, sheeko iyo war aan noloshood macno u samaynayn baa waqtiga ka qaada. Iyagu se eed kuma laha.
Xoolaha: Abaartii waxa ay halakaysay xoolihii nolosha dadku ku noolayd. Dhulkaas 300KM ah kuma aan arag xoolo la sheego indhahaygu qabteen. Haddii aan qiyaaso geel iyo adhi ba 1,000 (kun) neef ma ay dhammayn. Beddelkoodii iyo qorshe ku aaddani ma jiro, taasina waxa ay keeni kartaa in inta magaalada la iska soo galo miyi iyo magaalo dhaqaaluhu isla dumo.
Deegaanka: Deegaanku inta uu doono ayuu ka badanyahay dadka. Waa se qarfo aan shaqo laga qabsan, shaqona lagu qabsan. Dhirta Ilaahay meesha ku abuuray mooyee mid kale laguma beerin, kuwii ku beernaana qaarkood baa la jaraa. Doog iyo dareemo ma jirto, cawllaankana indhaha ayaa haddii aad muddo eegto ku ilmaynaya.
Dawladnimada: Dawladnimo la sheegi karo oo deegaannadaas gaadhaa ma jirto. Odayaal baa arrinta gacanta ku haya oo loo dabafadhiistaa. Xataa kuwa xilalka dawladnimo ku magacaabani odayaashaas iyo kaabeyaashooda ayey ka dambeeyaan, waa lagu baxsaday laguma se waari karo sida ay u egtahay. Dawladnimadu dhowr magaalo oo waaweyn baa ay ka shaqeysaa run ahaan. Inta kale maba gaadho’e maxaa uga gidhiisa?
Abaartii iyo barakaca: Dad aad u badan baa jira oo barokacayaal u noqday abaartii. Xoolihii markii ay ka baxeen bay yimaaddeen kaamam caawimoyin qaarkood lagu gaadhsiinayey muddadii abaarta. In badan halkaas baad mooddaa in lagu illaabay. Macaawinooyin meelaha qaar waa ay soo gaadhaan, wali se baahi wayn baa jirta. Ka sokow kaalmada, lama garanayo maxaa xiga noloshan kaamka iyo caydhnimada ee qoysaska qaarkood ay waayeen xoolo lagu qiyaasi karo 100,000$ (Boqol kun oo dollar).
Ololaha Xisbiyada: Hargeysa markii aan ka baxay ilaa deegaannadaas, calammaan aan qiimo badan lahayn baa degmo walba birihii laydhka loogu taxay baa buuxa. Kharash ugu yaraan isaga oo olole laga dhiganayo dadka wax u tari lahaa baa lagu qasaariyey. Inta badan dadkaas baahani iyaga ayaa sooryeynaya kuwa Hargeysa iyo Burco ka taga oo xoolohooda sii dabagaaban u loogaya. Qorshe iyaga iyo ubadkooda ku aaddan cidi ulama ay tegayso ee reeryahow inanka reerkayaga u footeeya buu warka ku koobanyahay.  
Gebogebo
Aayaha dalku waa aayaha dadkaa iyo deegaannadaa baaxadda leh ee silica qaba. Magac meelahaa lagu qoro iyo dad madax sheegtaa dal ma sameeyo, dadka ayuu dalku dal ku yahay. Haddii ay sidaad u silcaan dadka iyo deegaankuba, nolosheenna oo dhan baa silicaas ku dhammaanaysa. Kulayka deegaanka, baahida dadka iyo huqda weyn ee soo gaadhay dhaqaalaha abaartii ka dib waa mid aad u weyn. Il dhaqaale oo lixdan boqolkiiba in ka badan (60%), in mar kali ah duufaan abaar ahi halaagtaa wax la dhayalsan karo ma aha.
In aan wacyigaas la qabin oo dadka, deegaanka, dhaqaalaha iyo arrimahaas oo dhan aan loo dhug luhayn baa ah dhibka ugu weyn ee inna horyaal. In wax garadka, siyaasiga fayow iyo aqoonyahanku dadkaas u fekero oo dhab ahaan uga hawlgalo ayaa waajib ah.
Nolosha anaaniga ah(Individualism) ee inta xilka haysa iyo inta ay is hayaan ku jiraan dan uma aha dalkan iyo dadkan. Sidan haddii xaal ahaado, oday ka sheekee noqon mayso oo cid hadhi doontaa jiri mayso.

Saddaam Xuseen Carab
Saddamcarab@gmail.com

Hargeysa 

Advertisement

Ku Xayeysiiso