Gudaha Ka Eeg :Murashax Cirro iyo Weftigii uu Hoggaaminaayey oo Hadhimo Sharafeed Looggu Sameeyey Deegaanada Gaacidh ee Gobalka Sanaag .

Weftigii uu hoggaaminaayey Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo maalmahii ugu dambeeyey socdaal la xidhiidha wacyi-gelinta diiwaan-gelinta ku joogay magaalada Ceerigaabo, ayaa maalintii shalay qado sharafeed aad u ballaadhan looggu sameeyey deegaanka Gaacidh dhinaca waqooyi ka sii xigta buurta Daalo ee gobalka Sanaag.

Weftiga Murashax Cirro oo ay ku wehelinaayeen saraakiil sare sare oo ka tirsan Xisbigaasi, oo socdaalka ku maray deegaanada Karin, Xero-libaax, Xero-Mooli, Xidh-xidh iyo Gaacidh  ba ku qaabilay dadweyne aad u tira badan, ku waasi oo lu laayey calanka liimiga ah ee astaanta u ah Xisbiga WADDANI sida oo kale na ku dhawaaqeyey erayo ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan Xisbiga WADDANI.

Qaar ka mid ah dadweynaha ku dhaqan deegaanaddaasi oo la hadlaayey weftiga Cirro, ayaa waxa ay yidhaahdeen:- “Mudane guddoomiye dadka deegaankani dhibbaato xooggan bay qabaan se waxa aan rajeynayaa in Xisbiga WADDANI yahay xisbigii dhibbaatooyinkaas ka saari lahaa, waxaanan kuu sheegaynaa in dadka deegaankani ay talo ku gaadheen gudo iyo dibad ba in ay wixii anfac iyo talo ah ba ay kula garab istaagaan inta aad kursiga fuuleyso.”.

Marwo Faadumo Siciid oo halkaas ka hadashay, ayaa sheegtay in aanay marnaba ilaabi doonin hadhimo sharafeeda looggu sameeyey deegaanka Gaacidh oo ah meel aad u qurux badan.

“Siddii fiicnayd ee aad noo soo dhaweyseen waa mid aan la ilaabi kareyn, waana mid aad qalbiga u qaboojinaysa aniga oo hore u arkay meelo badan oo qurux badan hada na halkani waa ay nooga duwan tahay meel walba oo marnaba ma ilaabi kareyno.”. Ayey tidhi Faadumo Siciid

Ex-Wasiir Cali Qoorsheel oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu balan-qaadey in ay ka xisbi ahaan fulin doonaan codsiyadii ay halkaas ka soo jeediyeen dadka deegaanaddaasi, waxaana uu yidhi:-

“Maanta wixii la qabsaday ee aad halkan ka codsateen maaha wax la ilaabi karo, qofkii tan maanta arka ba inagu na codkeena ayeynu ugu hiilineynaa Xisbiga WADDANI.”.

Murashaxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo isna ugu dambeyntii halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi:-

“Runtii aad iyo aad baanu idiin ka mahad-naqeynaa sida fiican ee aad noo qaabisheen noona so dhaweyseen, guud ahaana horumarku Somaliland waa uu ku kala yar yahay oo goballada bariga Somaliland aad buu ugu sii yar yahay, barnaamijka Xisbiga na waa ay ku cadahay in goballadii horumarku ku yaraa in wax badan laga qabto oo cadaalad dadka loo sameeyo, oo waxbarashada iyo caafimaadka na wax laga qabto ayaanu idiin balan-qaadeynaa walaaleyaal.”.

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso