Gudaha Ka Eeg :Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Oo Soo Dhawaymo Kala Kulmay Deegaannada Unuunlay, Yaroowe Iyo Beer + Ballan-qaad-kii Gudoomiye Faysal Ee Bulshada Deegaanka Unuunlay Ay Ku Diirsadeen .

 

Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ka soo laabtay Safar uu ugu maqnaa Gobolada Sool iyo Sanaag, ayaa soo gabogabeeyay socdaalkiisi, waxaanu xalay ku soo hoyday Magaalada Hargaysa .

Murashaxa ayaa markii uu Marayay Deegaannada Unuunlay, Yaroowe iyo Beer, waxaa uu ku hakkaday Deegaannada Unuunley, Yaroowe iyo Beer, waxaana uu bulshada kala kulmay soo dhawayn Diiran .

Gudoomiye Faysal ayaa bulshada ka dhagaysanayay warbixino ku aaddan xaaladooda nololeed iyo duruufaha kala gaddisan ee ku gadaaman noloshooda .

Waxaanay bulshadu uga warantay  xaaladooda nololeed waxaanay sheegeen in ay aad u adagtahay, maadaama laga soo baxay abaaro ba’an oo dad iyo duunyaba saameen taban ku yeeshay .

Waxaa xusid mudan in bulshada ku dhaqan Deegaanka Unuunlay ay Murashaxa hor dhigeen Cabasho la xidhiidha Dugsigii Deegaankaas oo bilaa jiingad ah,  waxaanu Murashax Faysal Cali Waraabe uu isla madashii ka ballan qaaday in uu isagu jiingadda saari doono .

Bulshada ayaa si dareen-taabad leh uga dareen-celiyay, iyagoo aadna uga mahad naqay ballanqaadka Muashax Faysal Cali Waraabe .

Sidoo kale Bulshada ayaa cod dheer ku sheegay in Deegaankani uu codkiisa oo dhamaystiran siin doono Murashaxa Faysal Cali Waraabe .

Murasahxa Faysal Cali Waraabe ayaa dhamaan Deegaanadaasi ku dardaarayay in ay codkooda ka fiirsadaan, isagoo sheegay in Deegaanadaasi halka ay raacaan ay guushu raacayso .

Sidoo kale Murashaxa ayaa carrabka ku adkeeyay, sida qabyaaladdu ay u baabiiso nolosha bulshada, waxaanu ku booriyay in Qabiil aanay waxba ku helayn, balse qaran ay ku heli karaan wax kasta oo noloshooda ku xidhan .

Dhamaan Deegaannada Bari ee Somaliland ayaa muuqata in taageeradooda sannadkan ay isugu biyo shuban doonto Xisbiga UCID .

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso