Warbixin Ku Xad-Gudubka Shuruucda Doorashadu Waa Halista Ugu Weyn Ee Hortaalla Doorashada Somaliland Xarunta Darasaadka Siyaasada (CPA)

 

Warbixin

Ku Xad-Gudubka Shuruucda Doorashadu Waa Halista Ugu Weyn Ee Hortaalla Doorashada Somaliland

August 12, 2017

Hargeisa, Somaliland

 

 

 

 

 

Soo Saare

 

Xafiiska la Socodka Arimaha Doorashooyinka (EMO)

Xarunta Darasaadka Siyaasada (CPA)

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Contact Information:

centerforpolicy.ed@gmail.com

http://www.centerforpolicy.net/

 

 

 

 

HORDHAC

 

Doorashada la filayo inay Somaliland ka qabsoonto 13-ka November ayaa noqonaysa dooraashadii 6aad ee Somaliland gasho, waxaana Somaliland ay hore u soo gashay shan doorasho oo kala ah
Doorashadii Golaha Deegaanka ee 2002,

Doorashadii Madaxtooyada ee 2003,

Doorashadii Baarlamaanka ee 2005,

Doorashadii Madaxtooyada ee 2010

Doorashadii Golaha Deegaanka ee 2012 la qabtay.

 

Waxaa intaas hareer socday, qorshayaal kale oo lagu taageerayey hannaanka doorashada ee Somaliland, sida:

 

2001 Aftidii Dastuurka ee Somaliland,

2009 Diiwaangelintii Codbixiyayaasha ee ugu horraysay,

2010 Qaybin loo sameeyey Diiwaangelinta Codbixiyayaasha,

2016 Diiwaangelinti Codbixiyayaasha ee labaad  iyo

2017 oo lagu gudo jiro Qaybinta Kaadhadhka Codbixinta ee doorashooyinka soo socda.

 

August 12, 2017, Waxaa si rasmi ah uga bilaabmay gobollada Sool iyo Sanaag wejigii ugu dambeeyey ee kaadh-qaybinta codbixiyayaasha doorashooyinka Somaliland ee la filayo inay Somaliland ka qabsoonto 13-ka bisha November kaas oo socon doonta muddo 28 maalmood ah.

In kastoo hanaankii doorashada November 2017 lagu geli lahaa uu si fiican u socdo, hadana  waxaa soo ifbaxaya weli dhacdooyin halis gelin kara doorashada oo ay ku kacayaan xisbiyada qaarkood, iyagoo jabinaya shuruucdii u taalay xiliga kaadh qaybinta iskana indho-tiraya digniinaha ka soo baxaysa Guddida Goorashada.

 

Xafiiska CPA u qaabilsan la socodka arrimaha doorashooyinka (EMO)  wuxuu usbuuci la soo dhaafay diwaangeliyay dhacdoodyinkan soo socda kuwaas oo saamayn ku leh habsami u socodka doorashada.:-
DHACDOOYINKA WERWERKA XAMBAARSAN

 

Xiisadda Baarlamaanka:
02 August, waxaa is-casilay Guddoomiyihii Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, oo xilkaas soo hayey tan iyo bishii October ee sannadkii 2005. Jagada Guddoomiyaha waxaa isu soo sharaxay laba mudane oo ka tirsan baarlamaanka, Baashe Maxamed Faarax oo laga soo doortay gobolka Sool oo isagu ka tirsanaa shirguddoonka Baarlamaanka Somaliland tan iyo 2005, iyo weliba Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo ka soo laga soo doortay gobolka Sanaag. Xildhibaan Talyanle wuxuu baarlamaanka ku soo biiray ka dib markii uu shil gaadhi ku geeriyooday Xildhibaan kale oo laga soo doortay gobolka Sanaag bishii November sannadkii 2008. [1]
06 August, Golaha Wakiillada ee Somaliland ayaa qabtay doorashada shirguddoonka golaha, waxaa subaxnimadaas is-casilay Baashe Maxamed Faarax oo ahaa Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada, waxaana hoggaaminta golaha la wareegay Guddoomiye ku xigeenka labaad. Fadhiga golaha waxaa ka soo qaybgalay 78 mudane, Shirguddoonka ayaa ku dhawaaqay in Baashe Maxamed Faarax uu helay 39 cod, halka Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle uu helay 38 cod, sidaasna Baashe Maxamed Faarax uu ku guulaystay inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Somaliland. Xildhibaan Talyanle ayaa hambalyeeyey Guddoomiyaha cusub, isaga oo aqbalay natiijada. Hase ahaatee habeenimadii ayuu shir-saxaafadeed qabtay ku  sheegay inuu ogaaday inay dhacday wax is daba marini, isaga oo isku tilmaamay inuu yahay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee sharciga ah. Qaar ka mida xildhibaannada ayaa taageeray Xildhibaan Talyanle. [2] [3]
07 August, Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay Baashe Maxamed Faarax u aqoonsan tahay Guddoomiyaha Sharciga ah ee golaha wakiillada, sida uu shir-saxaafadeed ku sheegay Wasiirka Warfaafinta Cismaan Saxardiid Caddaani. Wasiirka ayaa dembi ku tilmaamay hadalka xildhibaan Talyanle. [4]
08 August, Golaha wakiillada oo fadhi yeeshay ayaa rabshad ka dhacday, taas oo la sheegay in xattaa rasaas la riday, arrintaas oo salka ku haysay muran ka dhacay xarunta baarlamaanka, waxaana ugu dambayn la xidhay Xildhibaan Saleebaan Cali Koore. Inkasta oo mar dambe la soo daayey. [5]
08 August, Xildhibaan Talyanle ayaa sheegay inay maxkamadda sare u gudbin doonaan dacwaddooda. Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga ah, ahna Guddoomiyaha Maxkamadda SAre Aadan Xaaji Cali ayaa xaqiijiyey 08/08/2017 inay soo gaadhay dacwadda xildhibaannada aan ku qanacsanayn natiijada golaha wakiilladu.

Arrinta kale ee muhiimka ah ayaa ah, in habka hay’ada garsoorku uga garnaqdo dhacdadan, ay sawir ka bixin doonto dhexdhaxaadnimada hay’ada garsoorka marka laga hadlayo muranada doorashooyinka soo socda hadiiba ay dhacdo. [6][7]

 

Xiisadda Ceelafweyn:
21 July, waxaa weli taagan xiisadda deegaanka Ceelafweyn ee gobolka Sanaag taas oo markale dib u soo cusboonaatay, waxaana ka dhacay dagaal u dhexeeya laba beelood oo deegaankaas ku wada dhaqan, dagaalkan waxaa ku dhintay illaa lix qof, halka dhaawacuna kor u dhaafay 10 qof. Xiisadda labadan reer ayaa soo taagnayd muddo sannad ah, waxaana jira dedaallo kala duwan oo muddadaasba lagu guda jiray in lagu xalliyo, hase ahaatee laguma guulaysan. Xukuumadda iyo hoggaanka xisbiyada ayaa si wada jira baaq nabadeed ugu diray beelaha ku diriraya Ceelafweyn. [8]

 

Xiisadda Buuhoodle iyo Gobollada Bariga

 

04 August, Waxaa buuhoodle ka dhacay shirar iska soo horjeeda, Madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh iyo baarlamaanka Khaatumo ayaa xilka ka qaaday Madaxweyne ku xigeenkii Cabdalla Maxamuud Cali oo sannadkii 2014 loo doortay madaxweyne ku xigeenka Khaatumo, waxayna doorteen madaxweyne ku xigeen cusub, hase ahaatee Cabdalla Maxamuud Cali ayaa ku gacansaydhay in xilka laga qaaday, waxaana garab uu ka mid yahay ay kulan kale oo ka dhacay Buuhoodle ku shaaciyeen inay xilka ka qaadeen Cali Khaliif Galaydh, isla markaana ay Cabdalla Maxamuud Cali u magcaabeen inuu noqdo madaxweynaha Khaatumo, sidoo kale waxay xilka ka qaadeen Guddoonkii baarlamaanka sida ay ku doodeen. Cali Khaliif Galaydh ayaa arrintan ku eedeeyey inay ka dambaysay Puntland. [9]

 

Ololaha Xisbiyada Xilliga Kaadhqaybinta:
09 August, Guddida Anshaxa ee Doorashada Somaliland, waxay digniin u jeediyeen Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani, iyaga oo ku eedeeyey inay markale bilaabeen olole kale oo ay dhinac wadaan kaadh qaybinta. Xisbiga Waddani ayaa guddida anshaxu ku eedeeyeen inuu ololihiisa ka bilaabay deegaanka Allay-baday ee ku taalla gobolka Maroodi-jeex isla markaana uu ku gaadhsiiyey illaa gobolka Sool, halka Xisbiga Kulmiyena ololihiisa ka bilaabay gobolka Maroodi-jeex, ilaa gobolka Sool. Guddida anshaxa ayaa sheegay in hadalkoodani yahay, digniintii ugu dambaysay, waxayna ugu baaqeen xisbiyadu inay ixtiraamaan xeerkii anshaxa ee ay saxeexeen. [11]
10 August, Taliska Ciidanka Booliska ayaa ku dhawaaqay hawlgal ay sheegeen inay ugu diyaargaroobayaan hawlaha doorashooyinka Somaliland. [12]
10 August, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland Yaasiin Faratoon ayaa xafladdii daahfurka kaadhqaybinta ee Laascaanood ka sheegay, in xukuumaddu ay adkaynayso ammaanka, sidoo kale wuxuu sheegay inay Puntland dhawaan isarkeen, islana afgarteen inaanay carqaladayn Somaliland xilliga lagu jiro diiwaangelinta. Wasiirka ayaa sidoo kale digniin u jeediyey kooxo uu ku tilmaamay fallaago oo uu sheegay, in haddii ay carqaladeeyaan hawlaha diiwaangelinta ay tallaabo ka qaadi doonaan. Wasiirka Warfaafinta ee Puntland oo la hadlay telefiishanka Puntland TV ayaa dhinacooda beeniyey hadalka Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland. [13][14]

 

Xarunta CPA, waxay qodobada sare ku xusan u aragtaa inay ka mid yihiin arrimo saamayn si uun ugu yeelan kara hannaanka doorashada, isla markaana ay tahay in si dhow loola socdo.

 

 

TALO SOOJEEDIN:

 

  1. Dhacdada ka socota Baarlamaanku waxay cashar u noqonaysaa doorashada madaxtooyada ee soo socota. Arrintaas oo haatan lagu muransan yahay in la isla waafaqo, laguna qanco natiijada ka soo baxday 78 mudane oo codeeyey, haddaba arrintani waxay muujinay, sida ay u dhici karto in xisbiyada qaarkood haddii ay ku qanci waayaan sida ay wax u socdaan ay qaadici karaan natiijada, arrintaas oo u baahan in haatan loo sii diyaargaroobo, isla markaana guddida doorashadu ay la yimaaddaan qorshe arrintaas ku aaddan, oo ka hortegaya in madmadow uu yimaaddo.

 

  1. Xildhibaannada ku loollamaya Guddoonka Baarlamaanka ee laga soo doortay Sool iyo Sanaag, ayaa aad u kala fikir duwan, waxay taageerayaal kala duwan ku leeyihiin gobollada ay ka soo kala jeedaan, haddii aan xiisadda u dhexeysa wax laga qaban, waxaa dhici karta inay saamayn ku yeelato kaadh-qaadashada ka socota gobolada Sool iyo Sanaag ama doorashada u astaysan in la qabto Novermber 2017.

 

  1. Waxaa soo noq-noqonaysa, in Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani ay wadaan olole aan sharci ahayn, sida uu sheegay guddida doorashada ee Somaliland, iyaga oo iska indho-tiraya xeerarka doorashada u yaalla, gaar ahaan xilliga kaadh-qaybinta. Haddii labadan xisbi ay u hoggaansami waayaan xeerarka anshaxa, isla markaana ay ku sii adkaystaan ololaha ay wadaan, waxay dhaawac ku tahay hannaanka qabsoomidda doorashada.

 

 

  1. Muranka u dhexeeya Khaatumo, waa walaac hor leh oo soo foodsaaraya doorashada Somaliland, waxaa dhici karta in garabka aan ka raalli ahayn, in Khaatumo ay wadahadal la gasho Somaliland ay helaan taageero debedeed oo lagu carqaladaynayo hawlaha doorashada. Gudida Doorashooyinku waa inay isha ku hayso arrimaha saamaynta ku yeelan kara doorashada inta lagu guda jiro gebagebeynta kaadhqaybinta iyo u diyaargarowga doorashada madaxtinimada.

 

 

  1. Xiisadda ka taagan Ceelafweyn, waa arrin saamayn xooggan ku leh doorashada, haddii aan xal degdeg ah loo helin, waxaa xiisadda ceelafweyn ay saamayn ku yeelanaysaa goobo codbixineed oo kala duwan, sidoo kale waxaa goobtaas ku sugan ciidamo kala duwan oo loo baahnaa inay ka hawlgalaan doorashada.

 

  1. Beesha Caalamku waxay door firfircoon ka qaadatay nidaamka koboca dimoqraadiyadda ee Somaliland. Si haddaba looga ilaaliyo in nidaamkaasi xagal-daac ugu yimaado, waxaa habboon in beesha caalamku ay la timaaddo qorshe lagu taageerayo in Somaliland ay sannadkan ka dhacdo doorasho xor ah oo xalaal ah

 

 

GeboGebo

 

Dhacdooyinka Xafiiska la Socodka Arimaha Doorashooyinka (EMO) ee Xarunta CPA  uu diiwaangeliyey waa kuwo haddii aan hoos loo eegin waxyeelo u gaysan kara hannaanka doorashada. CPA waxay ku baaqaysaa in dedaal adag loo galo sidii doorashadu xilligeeda ugu qabsoomi lahayd, isla markaana qorshe laga yeesho caqabad kasta oo keeni karta gaabis ku yimaadda diyaargarawga doorashada.

 

Tixraac:

 

  1. https://www.voasomali.com/a/3969046.html
  2. http://www.bbc.com/somali/war-40843099
  3. https://www.youtube.com/watch?v=cBspiDl8FAw
  4. https://www.youtube.com/watch?v=ilQQIKoF5bw
  5. https://www.youtube.com/watch?v=ZiNnf6ZWXfM
  6. https://www.youtube.com/watch?v=Fz1_PiCh9LE
  7. https://www.youtube.com/watch?v=TL6bhcSdo-Q
  8. http://www.bbc.com/somali/40677345
  9. http://www.bbc.com/somali/40832517
  10. https://www.youtube.com/watch?v=_z2kKXWcnfY
  11. https://www.youtube.com/watch?v=_iUC1xgfSuA
  12. https://www.youtube.com/watch?v=ojFL6rQfPMU
  13. https://www.youtube.com/watch?v=SKPTndhngf4
  14. https://www.youtube.com/watch?v=BHSYyOWU_RY

 

 

Ku Saabsan CPA

 

Xarunta CPA waxaa loo aasaasay inay dalalka Geeska Afrika ka caawiso dib u dhiska, nabadaynta, dimoqraadiyadda, iyo Xuquuqda Aadanaha. Xarunta CPA waa magaalada Hargeisa ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Address

Address: Red Sea village, I/K district, Hargeisa, Somaliland.

Email: centerforpolicy.ed@gmail.com

Web: www.centerforpolicy.net

Advertisement

Ku Xayeysiiso