Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ka Qayb Galay Munaasibad Shalay Lagu Xusayay Maalinta Dhalinyaradda Adduunka

Madaxwayneku-xigeenka Somaliland Oo Ka Qayb Galay Munaasibad Shalay Lagu Xusayay Maalinta Dhalinyaradda Aduunka , Khudbad Culusna U Jeediyay shacabka

Madaxwayne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md,Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil ayaa shalay ka qayb galay munaasibad ballaadhan oo ay soo qaban qaabisay dallada SONYO taas oo lagu xusaayay maalinta qaran ee dhalinyarada caalamka.

Munaasibadan oo ahayd mid si heer sare ah loosoo agaasimay waxa kasoo qayb galay Madaxwayne ku-xigeenka JSL, Wasiiro agaasimayaal iyo kumanaa n dhalinyarada reer somaliland kamida oo lagu soo martiqaaday munaasibadan, munaasibadan oo dhalinyarada loogu wacyi gelinaayay adkaynta nabad gelyada iyo ka hor tagga tahriibka ayaa u dhacday si qurux badan.

Munaasibadan waxa hadal dheer ka jeediyay Madaxwayne ku-xigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil isagoo dhalinyarada si weyn ugu booriyay inay iska ilaaliyaan ku dhaqanka qabyaalada iyo tahriibka waxaanu sheegay Madaxwayne ku-xigeenku in aan xukuumadda somaliland wada shaqaalaysiin karin dhammaan dhalinyarada balse loo baahan yahay fikrad cusub oo ay curiyaan dhalinyaradu madaxwayne ku-xigeenka oo arrimhaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaan aamin sanahay maanta inaad dalka aanay oolin shaqo la’aan, xarumihii dawladdu way buuxaan balse waxa ay dhalinyaradu curin karnaan fikir cusub oo ay toban-toban isu kaashanayaan oo ay ganacsiyo yar-yar furtaan, waxaan dhalinyaradda ku boorinayaa inay iska ilaaliyaan qabyaaladda waxaad maanta aad ogtihiin dhalinyaro golayaal samaystay oo qabyaalad fool xun isku weeraraya runtii waa arrin fool xun”ayuu yidhi Madaxwayneku-xigeenka JSL.

Advertisement

Ku Xayeysiiso