Golaha Wakiilada : Gole Dhigbax ku ah Qaranka

Golaha Wakiilada : Gole Dhigbax ku ah Qaranka  

 

Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ahaa golaha ugu fadhiidsan ee Somaliland uguna hogaanka liitay. Waxgaradka Somaliland ayaa ilaa intii Golaha la doortay mudo yar ka bacdi markasta ka dayrin  jiray sida ay umadu ugu khasaartay. Aqoon darida, karti la’aanta iyo hogaan xumada laba iyo tobankii sano haysay; waata keentay manta inay bulshada kula soo dhexdhacaan waxayna ka gayin – inay nolasha nabdgalyo ku ceeshka ah ka  ciideeyan.  78 cod baanu tirsan kari waynay wax laga yeeli karo ma aha. Waa gole  qaranka  u tudhayn   –  tani waxay  ka dhiganayaan tababar dholatuseed ay Waddani  doorashada maddaxtinimada ugu diyaar garoobayaan . Miyaanay ahayn mid ay manta dadku iyaga la yaaban yihiin aqoon darooda iyo fadhiidnimadooda?

 

Bal hada eeg, aduunka waxay ogyihiin marka uu codku isku dhaw yahay in qofka aan raali ka ahyn ama mugdi tirada codadka kaga jiro  loogu celiyo tirinta codadka intaan lagu dhawaaqin natiijada. Bal hada eeg mar kale, Waddani ninkan ay maankiisi badaleen, Cabdiraxmaan Talyanle, waxaa lagaga helay hal cod. Waxa uu xaq u lahaa in mar iyo lababa iyo waliba saddexba loo tiriyo balse muu codsan. Waayo? Waxa uu ku qanacsanaa isga iyo Waddaniba in ay tahay 38 tirada saxda ah ee codadka uu helay. Sidaa dardeeda arinkaasi sida dhayda ayu ugu cadaa,  wanu u hambalyeey, gudoomiyaha cusb, Baashe Maxamed  Faarax. Sidoo kalena guudoomiyahii hore golaha wakiilada aya gudoomiyaha cusub u hambalyeey. Waxaase cad golahan oo ilaa  2005 jiho hogamineed khaldan  haysay inaan waxba looga aayayn – balse hagardamo iyo raad xumo dalka iyo dadkaba dhaxalsiinayaan.  

 

Dalkan Ingriiska doorashaddii ugu dambaysay  ee dhacday 8 June 2017, waxaa gob codbixineed oo  la yidhaa South Kensigton, London,  waxaa tirinta codadka lagu celceliyey saddex jeer kadib markii labada mudane ee ku tartamaayey aad isagu dhawaadeen cododkii ay kala heleen. Ms Dent Coat oo ah xisbiga shaqaalaha ayaa kaga guulaysatay 20 cod kaliya,   Ms Browick oo ahayid xisbiga talada dalka haya ee layidhaa Conservative Party . Iyadooy MS Dent heshay codad dhan 16,333, halka Ms Bowick ay heshay 16313 cod.  Kamadamabyntii waa lagu qancay oo la isagu hambalyeey. Halkaasina ay ku dhanayid. Balse kuwan 78 cod ee gacantaaga ah codadkii ay isagu hamabalyeeyen dib uga noqoday waa mid ay u muqato inay u adeegayaan cadawageena.

 

Nuxurka qoraalkayga ayaa ah in Waddani oo aynu ku ognahay hogaan  xumo in ujeedka  kaliya ee ay ka leeyihiin murankan   ay tahay.   Kow,  mid Baashe kaga aargoosanayo dagaalkii gacan ka hadalka ahaa ee dhexmaray isaga iyo Cabdiraxmaan Ciro. Laba, ay tahay inay umada ku eegayaan dareenkooda si bari ta maddaxtinimda natijada ka soo baxda u diidan. Balse waa in shacbiga reer Somaliland fariin adag u diraan Xisbiga Waddani in ay ka fogadaan wixii qaranimada iyo wada jirkooda waxa u dhimaya. Balse, taa yeeli mayaan oo waa xisbi dalka iyo dadkiisaba u tudhayn – waxay u muqataa in meel kale looga heesayo. Fariinta aan  aan u diraay maddaxwaynaha Somaliland ayaa ah  in gacan bir ah ku qabto cidkasta oo  nabadgalyada farafaraysa .

 

Waa Qalinkii Axmed Cabdi Ciise

axmedciise@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso