Gudaha Ka Eeg :Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo Lagu Soo Dhaweeyay Deegaannada Widh-Widh Iyo Oog + Sawiro

Waxaa maanta si Balaadhan loogu soo dhaweeyay Deegaanka OOG Ee Gobolka Sool Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe .

Murashaxa ayaa soo dhawayn aad u balaadhan kala kulmay shacabka Deegaankaasi, kuwaas oo iyagu iskood isu abaabulay .

Waxaana uu Murashax Faysal Cali Waraabe u jeediyay khudbad, isagoo sheegay in ay u socdaan ka qeyb galka xafladda Daah-furka Qaadashada kaadhka codaynta oo maalinta barri ah ka furmaya Gobolada Sool iyo Sanaag .

Murashax Faysal Cali Waraabe ayaa carrabka ku adkeeyay in aanay u socon olole, balse u socdaan sidii ay bulshada ugu wacyigalin lahaayeen qaadashada kaadhka codaynta .

Murashax Faysal Cali Waraabe ayaa Taageero dhab ah oo aan dhalanteed ahayn ka haysta bulshooyinka ku dhaqan Gobolada Bari Ee Somaliland .

Geesta kale Wafti uu hogaaminayo Murashaxa madaxweyne UCID Eng Faysal Cali Waraabe isla markaana uu wehelinayay Wasiiru Dawlaha Waxbarashada Mudane Maxamed Xaaji Aadan ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Deegaanka Widh-widh .

Waxaana Deegaanka Widh-widh waftigan ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Khaatumo Prof Cali Khaliif, Wasiirka amniga Khaatumo Mudane Kayse, Madax dhaqameed iyo odayaasha Deegaankaasi .

Ujeedada socdaalkan la xidhiidha Dardar galinta hawlaha wada hadalada Somaliland iyo Khaatumo oo meel fiican maraya .

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso