Xisbigii Kulmiye oo u Xuub Siibtay Xisbi Qabiil.

Sanadkii 2001 kii ayay jamhuuriyada Somaliland go’aansatay in laga guuro habka saami qaybsiga Iyo hab dhaqanka ku salaysan Beelaha , si aynu u cidhib tiro qabyaalada .
Waxaan la gudoonsaday in aynu nidaamka xisbiyada badan u guuro si qaybyaaladu u dabar godo.
Waxase arintiisa qabilka dib u unkay Xisbul xaakimka Kulmiye oo markuu awood kale waayo haleel cuskada.
Musdambeedka Xisbiga Kulmiye wuxuu u dhisan yahay hab beeleed Sidoo kale golaha dhexe ee Kulmiye Waxaa lagu soo doortay saamiga Beelaha .
Waxaa marag ma doon ah ninka warbaahintu ugu yeedho Aqoonyahan Jamal Cali Xuseen eryadii uu yidhi markii uu ku biiray Xisbiga Kulmiye (Muuse Biixi geela iskugu kaaya jiray)
Cali Guray shalay ilaa maanta hadalkii u dambeeyay ee uu warbaahinta ka yidhi waad ka war qabtaan.

Hadaan dulucda maqaalkan u gonda dego. Waftigii Kulmiye ee Suuqsada Iyo degaanada Gobolka saaxil u baxay Waxaa la socoday raggan:
Cali Gurey 2.Jamal 3. Samaale 4. Axmed Xaashi . Oo dhamaantood isku beel ah wuxuu yidhi Gudoomiye Muuse soo dhaweyntani mid siyaasadeed ma ah ee Waa kal gacal Iyo TOLIMO.
Erey siyaasi oo Weliba nin Madaxweyne doonayaa hadalkaas ma ka jeedin karaa fagaare ummada uu codka ka doonayo oo kala qabilka ahi ay ku kulmeen.
Jawaabta ay shacabka reer Saaxil ee aanay Muuse isku qabiilka ahayni ay bixinayaan maxay noqon kartaa ?

Reerkaaga cod kiisu ha kugu filaado hadaad ku soo baxaysida. Waa Sidaas jawaabtii.
Musdambeedka Xisbiga Kulmiye miyaanu xisbigu talada wadaagin mise beel keliya ayay talada xisbigu ka Godaa?

Astaamahaasi waxay muujinayaan tamar la’aanta tola’ayeey Iyo qaylo dhaanta muusa nawga Qabiil ee Xisbigii Kulmiye ka soo baxaysa , ka dib markii Xisbiga Waddani uu kaga awood batay doonista shacabka isbedel doonka ah ee Nidaamka Dimuquraadiyada ku salaysan ku hogaaminaya dalka Iyo dadka Walaalaha ah ee jamhuuriyada Somaliland .

Ummadda yahay Qabiil kiyo qaranimadu Waa laba aan is qaadi karin oo weligood is qabanayn …

Dugsi ma leh qabyaaladi waxay Dumiso mooyaane.Abwaan Cabdilahi Suldaan Timacade . AHN

Arinta kale ee la yaabka leh waxay tahay Xukuumadii oo garan la cid ka codaysay golaha wakiilada . Waxaanay Xukuumadu ku eedaysay Xisbiga Waddani malaha weli in Cabdiraxman Ciro Gudoomiye yahay ayay u haystaan Xildhibaanadu waxay u qayb sameen labada musharax iyagoon xisbi ku kala raacin ee xilkasnimo xildhibaankay ku hubaan shaqo wanaaga daacadanimo ku raacay waan Guul ay gaadheen Xildhibaanada golaha wakiiladu .

Mataan M Omar
Xoghaye ku xigeenka warbaahinta Waddani UK
Sheffield..

Advertisement

Ku Xayeysiiso