Hay’adda Shaqaalaha oo Maanta Kulan Hawleed la Qaadatay Agaasimeyaasha, Mareeyayasha iyo Guddoomiyeyaasha Hay’adaha Dawladda

Hay’adda Shaqaalaha oo Maanta Kulan Hawleed la Qaadatay Agaasimeyaasha, Mareeyayasha iyo Guddoomiyeyaasha Hay’adaha Dawladda

 

(Kulankan ayaa lagu faaqiday hannaanka ugu hufan ee lagu ogaan karo xogta, xilka, iyo Xaalada Shaqaalaha Dawlada)

 

Sida aynu la wada socono Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu waxa ay u taagan tahay qoridda, horumarinta, tayaynta iyo maamulidda shaqaalaha dawladda Jamhuuriyadda Somaliland. Si haddaba taas loo hirgeliyo, Hay’adda shaqaalaha dawladdu iyada oo la kaashanaysa Bangiga Adduunka waxa ay bilowday mashruuc dib u habayn lagu samaynayo shaqaalaha dawladda. Mashruucaas waxa ka mid ah in Madax-taabasho lagu sameeyo dhamaan shaqaalaha dawladda dalka oo dhan si loo helo xogo muhiim ah oo ku saabsan tirada, waxbarashada, da’da, xirfadaha iyo macluumaadka ku saabsan qof kasta oo shaqaale dawladeed ah. Taasi waxa ay markaa fududaynaysaa in la sameeyo siyaasadihii iyo shuruucdii lagu maamuli lahaa shaqaalaha iyada oo la hayo xog buuxda oo laga shidaal qaadan karayo.

Si haddaba madax-taabashadaasi u hirgasho, Hayadda Shaqaalaha Dawladdu waxa ay soo iibsatay dhawaanna soo gaadh doona  siddeed baabuur oo sahli doona in dhamaan gobollada dalka la gaadho. Sidoo kelena waxa ay Hay’adda Shaqaaluhu ku guda jirtaa dhamaystirka shirkaddii hawshaa qaban lahayd oo gebo-gebo ku dhow.

Haddaba iyada oo taas laga duulayo ayaa Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Mudane Sharmaarke Axmed Muxumed Geelle waxa uu Agaasimayaasha Guud ee dalka, maareeyayaasha iyo guuddoomiyayaasha hay’adaha dawladda uu maanta u furay kulan hawleed lagaga arrinsanayo xog iyo xaalad ogaanshaha shaqaalaha dawladda oo sida aynu soo sheegnay dhawaan dalka ka bilaabmi doonta. Kulankan ayaa lagu faaqiday hannaanka ugu hufan ee lagu ogaan karo xogta, xilka, iyo Xaalada Shaqaalaha Dawlada Kulan hawleedkan waxa lagu faaqiday sidii hawsha madax-taabashadu ay u qabsoomi lahayd isla markaasna waxa la is waydaarsaday fikrado iyo doodo wax ku ool ah oo ku saabsan sida ugu hufan ee hawshaasi uga qabsoomi lahayd dalka oo dhan iyo khibradihii laga bartay diiwaan gelintii dadka iyo cod bixiyayaashaba.

Hawshan Madax-taabashada shaqaalaha dawladda  ayaa noqon doonta mid xog waafi ah ka bixisa tirada rasmiga ah ee shaqaalaha heerkooda aqooneed, waayo-aragnimadooda, da’dooda iyo guud ahaan baahiyahooda taasi oo wax wayn ka tari doonta in la helo shaqaale sugan oo aan ceeb iyo caagle toona lahayn isla markaana bixinaysa fursad wax lagaga qabto baahidooda kala duwan.

Shirar kuwan oo kele ah ayaa dhawaan iyaguna ka dhici doona dhamaan gobollada dalka oo shaqaale ka tirsan Hay’adda Shaqaalaha iyo wasaaraduhu ay halkaas u bixi doonaan si ay ugu gogol-xaadhaan hawlaha madax-taabashada ee dhawaan bilaabmi doonta.

 

 

Ilaahay baa mahad leh

 

 

 

Sharmarke Axmed Muxumed Geelle

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda

Somaliland

Advertisement

Ku Xayeysiiso