Gudaha Ka Eeg :Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo Maanta Si Baladhan Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Burco Ee Gobolka Togdheer .

Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa maanta si balaadhan loogu soo dhaweeyay Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer .

Waxaana taageerayaasha Xisbiga UCID ay Gudoomiyaha kaga hor tageen Deegaanka Qoyta ee duleedka Burco, iyagoo u soo galbiyay Gudaha Magaalada Burco .

Murashaxa ayaa intii aanu gaadhin xarunta guud ee Gobolka, waxaa uu salaan guud siinayay taageerayaal laxaad leh oo Murashaxa Maanta ku soo dhaweenayay Magaalada Burco .

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Ee Gobolka Togdheer  Mudane Sacad Cabdi Boos, Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada Ee Gobolka Mudane Hanad Cabdi Yuusuf  iyo Xog-hayaha Duulista Ee UCID Mudane Bashiir Xamari oo barxadda hore ee Xarunta Xisbiga Ee Burco kula hadlayay taageerayashii soo dhaweenayay Murasahxa Madaxweyne ayaa ugu horayn uga mahad naqay sida balaadhan ee ay magaalada ugu soo dhaweeyeen Murashax Faysal Cali Waraabe .

Waxaanay sheegeen in Murashaxa Faysal Cali Waraabe yahay Murashaxa qudha ee dalkan is bedel ku keeni karaa, iyagoo bulshadana ugu baaqay in codkooda ay ku ciil-baxaan oo ay u codeeyana Murashaxa Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe .

Ugu danbayn Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo halkaasi ka jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo baddan taabanaysay, ayaa ugu horayn u mahad naqay taageerayaasha mugga lahaa  ee soo dhawaynta u sameeyay, waxaanu sheegay in Burco  tahay xareedda Somaliland .

Murashaxa ayaa dul istaagay Xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE waxaanu ku tilmaamay inay yihiin siyaasiyiin isu muuqda oo kala aar goosanayaa, isla markaana aanay marnaba wax ka qabanayn danaha bulshada .

Sidoo kale Waxaa uu sheegay in Dalkani u baahanyahay Hogaan wanaagsan oo marxaladdan maanta lagu jiro ka saaraa .

Murashaxa Faysal Cali Waraabe ayaa bulshada Burco ugu baaqay in ay codkooda Siiyaan Xisbigooda UCID .

 

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Advertisement

Ku Xayeysiiso