Qaran Iyo Qabiil Meel Ma Wada Mari Karaan

Qaran Iyo Qabiil Meel Ma Wada Mari Karaan
Dhammaan waxaan halkan ka salaamayaa bulshada Somaliland meelkasta oo ay joogaan mudanayaal iyo marwooyinba , waxa kale oo aan si gaar ah u salaamayaa bahda saxaafaddda qaybaheeda kala duwan ee hadh iyo habeenba na soo gaadhsiiya wararka u doorka roon gude iyo dibadaba, Bacdal salaam, Waxa beryahan dambe saxaafadda lagu arkayay salaadiintii, aqoonyahankii, ganacsatadii , siyaasiintii , abwaanadii , cuqaashii iyo xidhibaanadii hadaanu reer hebel nahay ma ogolin reer hebel , halka qaar kalena ay laahyeen, anaga waan raacsanahay reer hebel  iyo waanu ka soo horjeedanaa reer hebel, mana ah inanaynu qaranka iyo qabiilka sino ama qabiilku ka awood sareeyo qaranimadu
qarannimo kuma doorsan karno Qabiil, Nabadduna Cid walba waa u dan  ee sidaa ha loola socodo, ta kale Qabyaaladda iyo Qarannimadu waa laba arrimood oo aan is-qaban karin, sidoo kale Qabyaaladda iyo Hannaanka Dimuqraadiyaddu waa isku dab iyo baasiin,
waa qabiil, Waxaan aaminsanahay in Qarannimada, Qabyaaladda iyo nidaamka  Dimuqraadiyaddu ay yihiin saddex nidaam oo aan sinaba isku qaban karayn, bulshada reer somaliland waxay xaq u leeyihiin inay Xukuumadda la xisaabtamaan oo ay ku dhalliilaan wixii khalad xukumadda ah, gaabis ama hagrasho ah ee ay Xukuumaddu gasho. Xukuumadda waxa ku waajib ah inay saxdo dhaliilaha iyo qaladaadka xukumadda ee loo soo jeeediyo, shacbiguna waxa ku waajiba ah in ay ka fogadaan qabyaalada , nin jecalysiga iyo eexda ragaadisay qarankan
Guntii iyo gaba-gabadii Cadawga qudha ee qarankani uu leeyahay waa qabiil , Waxan si gaara uga codsanaya bulsho waynta reer Somaliland  inaynu  kala dayno qaran iyo qabiil oo aynu taageero qaranimada  iyo Midnimada Somaliland ,
Qalinkii : Mohamed Abdi Jamac
Email: Mohamedudoode@hotmail.com
Hargeysa/Somaliland

Advertisement

Ku Xayeysiiso