Gudaha Ka Eeg :Murrashax Muuse Biixi Biixi Iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo Lagu Soo Dhaweeyey Deegaannada Ximin, Cagaarrey, Gidhays iyo Gugux .

Murrashaxa madaxweyne ee xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey deegaannada Ximin, Cagaarrey, Gidhays iyo Gugux, waxana boqolaal kamid ah dadweynaha deegaannadan oo lulaya caleemo qoyan iyo calanka xisbiga KULMIYE si kal iyo laab ah u qaabileen murrashaxa iyo weftigiisa, iyaga oo muujiyey taageerada ay u hayaan xisiga KULMIYE.
Murrashax Muuse Biixi oo ay wehelinayaan wasiirro, siyaasiyiin, xildhibaanno, salaadiin, cuqaal, xubno kamid ah garabka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga, haween iyo xubno kale, ayaa maanta booqasho ku tegay deegaannadan, waxana halkaas ku qaabilay taageerayaal tiro badan oo uu xisbiga KULMIYE ku leeyahay deegaannada, iyada murrashaxa iyo xubno badan oo kamid ah dadweynaha deegaannadaasina hadallo kooban jeediyeen.
Murrashax Muuse Biixi iyo xubnaha kale ee socdalakiisa ku wehelinayey, ayaa dhammaanba deegaannadan ay soo mareen goob fagaare ah kala hadlay, waxana ay si weyn uga mahadceliyeen soo dhaweynta milgaha leh ee lagu qaabilay, iyada oo sidoo kalena waxgaradka, salaadiinta iyo madax-dhaqameedka deegaannadaasina ay shaaciyeen inay tageero buuxda u hayaan xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisaba, isla markaana ay si hagar la’aan ah codkooda u doon doonaan.

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso