Gudaha Ka Eeg :Talafeeshinka Al-Jaziira Oo Sheegay In Raila Odinga Uu Aqoonsanaayo Somaliland Hadii Uu Doorashadda Madaxweynenimadda Ee Kenya Ku Guulaysto .

Murashaxa  Madaxweynaha ee dalka Kenya Mr Raila Odinga, ayaa ku dhawaaqi doona Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland hadii uu ku guulaysto tartanka Doorashadda Madaxtooyadda ee wadanka Kenya oo todobaadkan looga dareeyey dalkaasi sida uu warbixin ku sheegay barta uu talafeeshinka Caanka ee Al-Jazira.

Warbixin dheer oo ka hadlaysa saameynta ay doorashadda Kenya ku yeelan karto dalalka Bariga Afrika, ayaa lagu xusay inay gaar ahaan doorashadda Kenya taaban doonto Jamhuuriyadda Somaliland, hadii murashaxa mucaaridka ee Raila Odinga uu ku guulaysto tartanka doorashadda Madaxtooyadda Kenya, inay Kenya noqon doonto waddankii ugu horeeyey ee dunida qaran madaxbanaan oo jira u aqoonsada Jamhuuriyadda Somaliland.

Hadii uu doorashadda Kenya ku guulaysto Mr Oddinga waxa suurto gala in uu khilaaf ka bilaabmado gobolka, waayo Somaliland waa gobol gooni u goosad ah, kaasi oo in uu ka xoroobay Somalia hore ugu dhawaaqay, waxaana uu la og yahay in isaga mar uu Mr Raila Odinga ku sugnaa  fagaaraha caalamiga ah ee Siyaasadda dunida lagu falanqeeyo ee Chatham House oo su’aalo halka lagu waydiinaayey uu halkaasi cod dheer oo taageero ah uga balanqaaday kuna taageeray Qadiyadda aqoonsiga ee Jamhuuriyadda yar ee Somaliland in qaran loo aqoonsado waxana hadalkiisii ka mid ahaa “Waxaan si xoogan taageero ugu ahay aqoonsi buuxda oo ay hesho Somaliland” waxana wakhtigaasi sidii la filaayey ay si wayn uga dhacaysiisay hadalka ka soo yeedhay masuulkaasi Madaxda Kenya ka mid ahi dawladda Somalia oo cambaaraysay.

Al-Jazira oo warbixinteeda sii wadata waxa lagu yidhi ‘Hadii uu markaasi Madaxweynenimadda Kenya ku guulaysto hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ee ORD Mr Raila Odinga, Kenya waxay noqon doonta waddankii ugu horeeyey ee Dunida oo dhan qaran dal ah oo jira u aqoonsadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana talaabadda noocaasi oo kale ka dhalan doona xaqiiqdii kacdoono dublamaasiyaddeed oo mawjado ah oo gobolka ka bilaabmada, mana noqon doonto mid Xidhiidhka u dhexeeya Kenya iyo Somalia god ku rida oo kaliya, balse waxay halis ku tahay sido kale ururka midawga ee Afrikan Union ka ay leeyihiin, kuwaas oo had iyo jeer u arka aqoonsi Somaliland la siiyo inay sabab u noqon doonto in kooxaha iyo goboladda waddamo badani inay iyaguna gooni goosad ku wada dhawaaqo doonaan.

Dhinaca kale Warbixinta waxa lagu sheegay in uu Mr Odinga hore u balanqaaday in uu Ciidamadda dalkiisa Kenya ka jooga waddanka Somalia kala soo bixi doono isla markanaa uu Xidhi doono Xuduudaha u dhexeeya labada dal oo uu ku eedeyey inay Argagixiso iyo Kooxda Al-Shabaab Somalia uga soo talowdo wadankiisa Kenya, taasi oo cabsi weyn laga qabo in uu xidhiidhka u dhexeeya Kenya iyo Somalia uu xumaado hadii uu Raila Odinga doorashadda helo oo ka guulaysto Madaxweynaha wakhtigan taladda haya mr Kenyatta.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso