Daawo Sawiradda : Waftigii Uu Hogaaminaayey Gudoomiye Ku-Xigeenka 1aad Ee Xisbiga Kulmiye Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Birmingham

 

Weftigii Gudoomiye ku Xigeenka kowaad ee Xisbiga kulmiye Muj Maxamed Kaahin Axmed , oo Beryahanba Safar Shaqo ku joogay Dalkan Ingriiska ayaa Safaro Dhiiri-gelin iyo kala War-qaadasho ah ku kala bixiyey Laamaha iyo Gobolada Wadankan Ingriiska ee Xisbiga Kulmiye ama Xafiisyadda uu Ku leeyahay Qaarkood. Laamaha iyo Gobolada oo uu Booqasho ku tegay waxaa ka mid ah, Magalooyinka : -London, Bristol, Manchester , Sheffield iyo Birmingham oo ay Weftiga Gudoomiye ku-xigeenku soo gaadheen.
Weftigani Xisbiga kulmiye ka tirsan ee uu hogaaminaayo  Gudoomiye ku Xigeenka kowaad ee Xisbiga  Muj Maxamed Kaahin Axmed , isla-markaana ay xubno ka yihiin Gudoomiyaha Golaha dhexe Xisbiga Kulmiye Md Jaamac Ismaciil Cige (Shabeel ) Iyo Siyaasiga Weyn ee Md Axmed Muumin Seed oo ka midda Saraakiisha Sar-sare ee Xisbul Xaakimka Kulmiye.
Ayaa waxaa si balaadhan loogu soo dhaweeyey Magaaladda Birmingham cariga Ingiriiska , waxaana halkaasi ku qaabilay Madaxda Xisbiga laanta Birmingham iyo Tageerayaal tiro badan oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye.
Weftiga oo hawlo shaqo ku joogay wadanka Ingiriiska ayaa kulamo gaara la qaatay sarakiisha Xisbiga laanta Birmingham iyo tageerayaasha ku dhaqanba. Waxaana laysku af-gartay sidii Xisbigu mar labaad ugu guuleysan -lahaa Taladda dalka.
Kulamadda ka-dib. Madaxda Xisbiga Birmingham iyo tageerayaashaba Waxaa laysla qaateen , in si isku-duubni ah looga qayb-qaato, Guusha Xisbiga Kulmiye uu markale raadinaayo. Dhinaca kale weftiga ayaa sheegay inay tageerayaasha Xisbiga ee ku dhaqan Ingiriiska ku wacyi-gelinayaan sidii ay dhinacoodda uga qayb-qaadan lahayeen hawlaha muhiimka ah ee doorashadda ku saabsan.
Sidoo kale weftiga ayaa ka waramay xaaladda wadankii iyo ta xisbiga kulmiye-ba , waxayna ku booriyeen Madaxda Xisbiga Laanta B,ham iyo tageerayaashaba inay guntiga dhiisha iskaga dhigaan , una guntadaan sidii Xisbigu markale ku guuleysan lahaa.
Weftiga Muj Maxamed Kaahin  intuu goboladan marayey waxuu kulamo is xog-waraysi ah la yeeshay Dhamaanba Jaaliyada S/land ee ku nool Goboladaasi Ingiriiska, Sidoo kalena waxay soo dhaweeyey Taageerayaasha baaxada leh ee xisbiga Kulmiye ku leeyahay Laamahaasi. Gudoomiye Ku-Xigeenka Kulmiye  oo ay Safarkiisa ku weheliyaan : Gudoomiyaha Golaha dhexe Xisbiga Kulmiye Md Jaamac Ismaciil Cige (Shabeel ) Iyo Siyaasiga Weyn ee Md. Axmed Muumin Seed oo ka midda Saraakiisha Sar-sare ee Xisbul Xaakimka Kulmiye.
Weftiga Gudoomiye Kaahin  waxuu goob-walba oo ay tagaan kula kulmayeen soo-dhoweyn aad u baaxad weyn iyo Xubno tiro badan oo ku soo biirayey Xisbiga Kulmiye. isla-markaana waxay goob walba oo ay tagaan Shacabka ugu baaqayeen inay midnimada S/land gacmaha isu Qab-sadaan, Una diyaar-garoobaan Doorashada Madaxtooyadda.
dhinaca kale dadweynaha ayaa aad u soo dhaweeyey horumarka la taban karo ee xisbiga kulmiye ka sameeyey dalka . mudaddii uu xilka hayey.
Munaasabadda ayaa ku soo geba-gebowday jawi aad u qurux badan Iyaddoo intii ay Xafladdu socoteyna kooxo dhaqanka ah ay ku soo bandhigeen ciyaarro iyo suugaan wadani ah.
Adan Yusuf Elmi
 

Advertisement

Ku Xayeysiiso