Sumcadii Gabiley oo Hoos u Dhac Wayni ku Yimi intii Maamulkeeda ay la Wareegeen Dhalinyarada Masiirkii Umaddu u gacan galay .

Sumcadii Gabiley oo Hoos u Dhac Wayni ku Yimi intii Maamulkeeda ay la Wareegeen Dhalinyarada Masiirkii Umaddu u gacan galay .
Magaalada Gabiley Waa Magaalo ku Caan ah Wax soo Saarka Beeraha, Aqoonta iyo Diinta, Waana Magaalo ay kasoo jeedaa Shaqsiyaad farabadan oo Magac iyo Milgo ku leh bulshada Somaliland, Waa Magaalo ay ka Soo jeedaan Culimaa’udiin ay ka mid ahaayeen Sh.Muxumed Warsame (Sheekh Muxumed Yare, Sh.Muxumed Gaboobe, Sheekh Xuseen Nuuriye , Sheekh Ciise iyo Sheekh C/laahi Makaawi oo isagu ka nool Culimada Somaliland Caanka ka ah ee kasoo Jeeda Gobolka.
Waa Magaalo ay ka soo jeedaa Abwaano Waawayn oo Gayiga Somalida laga Majiirto Kuwaasi oo Suugaantoodu Dhaxal unoqotay inta Afka somaliga ku hadasha ee Nool Wadamada Somalidu Degto, isla markaana Magac ahaan la Maamuuso.
Intii ay Somaliland jirtay Gabiley Waxaa lagu Yaqaanay Dad Gobonimo badan oo Xariir ah isla markaana bisil oo aqoontu ka muuqato marka laga dheehdo Afkaartooda Warbaahinta kala duwan.
 Lixdii Sanno ee ugu Danbeeyay Maamulka Gabiley waxa uu Gacanta u galay Dhalinyaro Wadanka Wax ku baratay isla markaana ku Koray Gobolka oo la socda wacyiga iyo waayihiisa kala gedisan, Kuwaasi oo la Kowsaday Golaha Deegaanka ee ay Doorashadiisa Qabatay Xukuumada Axmed Siilaanyo Sannaddii 2013-kii.
Bulsho waynta ku Dhaqan Gobolka ayaa Waji Furan kusoo Dhaweeyay in Dhalinyaradu hogaanka u Qabato Gobolka si Looga Talaabsado Caqabado badan oo laga Tirsanayay Maamuladii  Golihii hore oo u badanaa Waayeel Waayo aragnimo badnaa, Balse hadda la ogaaday inay Gobolka uga lexejeclo badnaayeen Dhalinyarada Wakhtigan Hogaanka Degmada Gacanta ku haysa.
Hogaan kasta oo Xil ka soo Qabtay Dawlada Hoose waxa uu Kusoo beegmay Marxalado kala Duwan oo Taariikhdu dhitaynayso wixii ay kusoo kordhiyeen Degmada, iyada oo Gabiley ka mid tahay Magaalooyinka ugu Maayar Badalka badan Somaliland marka laga reebo intii xukuumada Madaxwayne Siilaanyo Xilka haysay oo Golaha loo Xidhay Laba Xildhibaan oo Xilalka Maayarnimo isaga Danbeeyay.
Labadii Sanno ee ugu Danbeeyay Waxaa Magaalada Kusoo badanaya dhacdooyin ugub ku ah Gobolka oo Dhaawacaya Magaca iyo Sumcada Bulshowaynta Kasoo Jeeda oo Shaqsiyaad gaar ahi Cambaar marmarinayaan Karaamadii dad aan gayin waxa lagu caayayo oo aanay wax lug ah ku lahayn .
Maayarka Xilka Haya Wakhtigan oo lagu Magacaabo Maxamed-Amiin Cumar Dheere ayaa Ah Wiil Dhalinyaro ah oo uu dhalay Macalin Ixtiraam Badan ku leh Magaalada Gabiley Kaasi oo Jidadka uu Siyaasadiisa umarayaa Marar Badan Dhaawac ugaysteen Sumcadii Gabiley, kuwaasi oo ah kuwo uu isku Maax Duminayo Masuulkani isagu ka Jawaaba Falalka uu Geysto oo uu Dhaqaale badan ku Bixiyo Fulintooda.
Falalka Dhaawaca iyo Dhagxumada Badan Gobolka Soo Gaadhsiiya waxaa ka mid ah Gubitaankii Calanka Xisbiga Wadani oo Sawir Fool xun oo Qabyaaladeed ka Bixiyay Gobolka kaasi oo markii La Daba galay kusoo afmeermay Dhaliyaro wax Magarato ah oo uu Maayarku adeegsaday kuwaasi oo Dhaqaale lagu Siiyay Falkaasi foosha Xun, sidoo kale waxaa ka mid ah Xildhibaankii Golaha Deegaanka Gabiley ka Tirsanaa ee 20-kun ee Dollar ku Qaatay in uu Hogaamiyaha Xisbiga Wadani Xirsi Cali X.Xasan kaga Hor istaago Magaalada Gabiley oo uu Hogaamiyuhu kula kulmayay Xubno ka mid ah Taageerayaasha Xisbigaasi, kaasi oo Arintiisu kusoo Ururtay in Dhaqaale ay ku Siiyeen Xildhibaanka, Maayarka Gabiley iyo Wasiirka Maaliyada Samsam Cabdi Aadan oo Falkaasi Gobolka lagaga Xigsanayo Masuuliyiinta Xisbiyada Qaranka,Kaasi oo Godob u Abuuray Musharaxa Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo loo Tirinayo in uu Deegaan ahaan Kasoo jeedo Gobolkan, sidaasi oo ay tahay Talaabo kasta oo loogu gaysto Xisbi kale Gabiley Fadeexadeeda uu Qayb ku yeelanayo isaga oon ka War-qabin, Sidoo kale Waxaa iyana Sumcada Gobolka iyo Ta Dhalinyaradaba Meel kadhac ku ahayd Talaabadii Maayarku ku Qaybqaybiyay Warbaahinta Gobolka ka Hawlgasha oo uu Qaab Qabyaaladaysan ula kala saftay isla markaana Si Badheedh ah Wariyeyaasha Qaarkood ugu Sheegay in kuwa Jufadiisa hoose ka Difaaci karaan Eedaymaha loo Soo jeediyo Golaha uu Hormoodka ka yahay.
Waxa aan iyana Meesha ka maqnayn Mudaharaad Dhawr Dhalinyaro ah dhaqaale lagu Siiyay oo Taayiro ku Gubay magaalada Isla markaana Aflagaadeeyay Musharaxa Xisbiga Kulmiye Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi oo Taageero Laxaadleh ku Haysta Gobolka Gabiley Balse Maayar Maxamed-Amiin isaga oo is Muujinaya Dhalinyaro u Adeegsaday Goor habeenimo ah Falkaasi Inagu Cusub, isla Subaxii Danbe-na Shir-jaraa’id kaga Jawaabay Falkii uu isagu Dhaqaalaha ku Bixiyay Si uu Sumcad ugu Helo jawaabtiisa isaga oo ku Eedeeyay Masuuliyiinta Xisbiga Ucid, Kaasi oo ah Xisbiga uu isaga Ka soo Baxay ee uu Magacoodu ku Fadhiyo Kursiga Xildhibaanimo ee uu Golaha Deegaanka kaga Mid yahay, taasi oo Wax layaable ku noqotay Qaybo ka mid ah Bulshada oo u Haystay in uu intaa ka Miisaan Culusyahay, Balse ay u Cadaatay in Caruurtu Fahmayso Siyaasada Raqiiska ah ee uu Ku Dhaawacay Sumcadiisa Shaqsi ahaaneed iyo Tan Dadka uu matalayo ee uu Magacooda ku hadlayo.
Masuulkan oo Dadku Rajo Wayn ka Qabeen intii aanu Talada Golaha Deegaanka Qaban Ayaa Noday mid kasban kari waayay Bulshada uu Maayarka u yahay oo uu ka Doordibay in uu u Adeego Shaqsiyaad gaar ah oo Xukuumada ka mid ah, iyo Dhaqaale urursi  Xawli ah oo ay Dadwaynuhu ku Baraarugeen Guryo Tiro badan oo uu ka Dhistay Gabiley iyo Hargeisa  iyada oo Si Wayn loo Hadal Hayo Guri Wayn oo ku Yaala Dugsiga Sheekh Muxumed Warsame Gadaashiisa oo uu Dadka Waydiiya Gurigaasi u Sheego in Walalkii Dhistay iyo Sidoo kale Kaalin Shidaal oo ay in badan ku muransanayeen Gudidda Masaajidka Alnuur ee Magaalada Hargeisa oo uu Barxadooda hore ka Dhistay, Waxaanay Dadwaynaha Reer Gabiley ka Dharagsanyihiin Hantidii uu haystay Maayarku intii aanu Xilka Qaban oo laga Xusi karo Farmasi yar oo Sandaqad ah oo lagu Daaweeyo Riyaha iyo Digaaga oo ay Dhawr  Caagadood oo “dhib” ahi ka muuqan jireen Marfashkiisa.
Waxaan kusoo Afmeerayaa Maqaalkaygan Maansadii Abwaan Cabdi Cali uu kaga Hadlayay Dayaca Gabiley iyo Sida Dadkeedu uga Danaystaan inta ay ku Meel gaadhaan, oo ay ka mid ahaayeen Tuducyadan Hoos ku Xusan:-
“Waxay Gabiley Leedahay
Dakhli Waxa I Soo Gala
Gini Lacaga Kama Helo
Gunnadii Shaqaalaha
Kuwa Gura Xashiishyada
Sannad Gaw Ah Lama Siin
Cidda Loo Guraayee
Loo Geeyo Mooyaan
Waxay Gabiley Leedahay
Kuwaan Guunyadaydiyo
Ku Aaminay Guntaydaa
Hoos Ii Guraayoo
Gacan Cadow Ku Taalliyo.
Gawsbaa I Daashaday”
Qalinkii: Mawliid Maandhaye

Advertisement

Ku Xayeysiiso