Gudaha Ka Eeg :Shirkadda Dhismaha Al Baraka Oo Hadhimo-Sharafeed U Samaysay Qurbo Joogta Dalka + Sawiro

Shirkadda Dhismaha Ee Al Baraka ayaa maanta hadhimo sharafeed u samaysay Qurbo joogta Dalka Somalialnd ee hadda fasaxyada ku jooga Dalka .

Waxaana ujeedada qadadani ahayd sidii qurbo-joogta looga mahad-naqi lahaa waxqabadka ay ka hirgaliyeen dalka iyo sidii loogu dhiiri galin lahaa in ay dalkooda ka sameeyaan maalgashi .

Gudoomiyaha Shirkadda Al Barkaa Mudane Cali Aw Cumar oo halkaasi ka hadlay ayaa qurbo joogta ku amaanay waxqabadka la taaban-karo iyo maalgashiga muuqda ee ay ka sameeyeen Dalka, waxaanu ku booriyay in ay halkaasi ka sii wadaan .

Xubno ku hadlayay afka qurbo joogta oo iyaguna ka dareen-celiyay qado-sharaftaasi, ayaa u mahadnaqay shirkadda Dhismaha casuumadda ay ku maamuustay, waxaanay ku amaaneen Dhismayaasha ay shirkaddu ka binaysay dalka ee korka u qaaday bilicda Dalka .

Ugu danbayn kulankaasi ayaa ku soo dhamaaday jawwi degen oo farxadi ku dheehantahay .

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso