Gudaha Ka Eeg :Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo Hadhimo Sharafeed Ku Maamuusay Haween-Waynaha Degmada Axmed Dhagax Iyo Gobolka Hawd .

Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa maanta hadhimo-sharafeed ku maamuusay Haween-waynaha Degmada Axmed Dhagax iyo Gobolka Hawd Ee XIsbiga UCID .

Ujeedada hadhimo-sharafeedkan ayaa daarnayd dardargalinta hawlaha Xisbiga, maadaama wakthigii doorashadu qabsoomaysay ay kaabiga inoo saarantahay .

Waxaana halkaasi ku sugnaa qaar ka mid ah xubnaha garabka haweenka Ee Xisbiga UCID, Madaxda Xisbiga Ee Heer Gobolk Iyo Masuuliyiin kale .

Sidoo kale Kulankan qado-sharafta ah ayaa ahaa mid ay haween-waynahaasi ay taageeradooda Xisbiga UCID ay ku muujinayeen .

Gudoomiyaha Garabka Haweenka Ee Gobolka Maroodijeex Marwo Xafsa oo halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay in Haween-waynaha Degmada Axmed Dhagax Iyo Gobolka Hawd ay maanta u heelanyihiin sidii ay codkooda iyo cududoodaba ay ula garab istaagi lahaayeen Xisbiga UCID iyo Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbigaasi Eng Faysal Cali Waraabe .

Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo halkaasi ka hadlay ayaa haween-waynaha uga mahad naqay sidii ay u soo ajiibeen qado-sharaftan, waxaanu ku dardaaray in ay doorkooda iyo kaalintooda ay ka soo dhalaali doonaan, maadaama la galayo u diyaar garawga Doorashada Madaxtinimo Ee Dalka .

Kulankan qado-sharafta ah ayaa ku soo dhamaaday is af-garad, iyadoo loo ballamay in gacmaha la isku qabsado sidii xisbiga UCID uu guul uga gaadhi lahaa Doorashada Madaxtinimo ee la gali doono Bisha November .

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso