Gudaha Ka Eeg : Faahfaahin Ku Saabsan Marxuum Isku Daldalay Magaalada Berbera .

Alle ha u naxariiste Maxamed Ibraahim Daauud( Riyaale ) oo kamid ahaa shaqaalaha shirkadda dhismaha ee Barre Construction Xafiiska Berbera ayaa la arkay isaga oo ku deldelan kijada gurigiisa oo ku yaalay Xaafadda xudhuunka ee Berbera.

Marxuum Maxamed ayaa la sheegay inuu u diyaar garoobayey inuu dhawaan aroosto isaga oo guriga uu isku deldelay uu ahaa kii uu arooska u diyaarsaday .
qaar ka mid ah asxaabtiisii ayaa sheegay in saacadihii u dambeeyey ee ay nolol ku ogaayeen uu walaac badani ka haystay arooskiisa iyo qaabka uu u dhacaayo .
meydka Maxamed Riyaale ayaa loo qaaday magaalada Gabiley oo ahayd deegaanka uu ka soo jeeday
Labada Sawir Midna Waa Marxuumka oo Daldalan Iyo Isagoo Nool Oo Ku Gudo-jira Shaqada .

Advertisement

Ku Xayeysiiso