Akhri: Waraysi Gaar ah oo Abwaan Laab-Saalax kaga Warramay Bandhig-fanneed Ay Kooxda Xiddigaha Geesku Ku Qaban Doonaan Beerta Libaaxyada ee Hargeysa

Akhri:Waraysi Gaar ah oo Abwaan Laab-Saalax kaga Warramay Bandhig-fanneed Ay Kooxda Xiddigaha Geesku Ku Qaban Doonaan Beerta Libaaxyada ee Hargeysa

Hargeysa(Togaherer):- Kooxda Fanka ee Xiddigaha Geeska, ayaa shaaciyey inay Bandhig-faneed ka duwan kuwii ay hore u qaban jireen Tobanka Bishan aynu ku jirno ee Ogoosto ku qabanayaan magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, gaar ahaan Beerta Libaaxda, isla markaana Bulshada u diyaariyeen Fan dhammaystiran dhinac kasta oo laga eego.

 

Haddaba, Bandhig Faneedkan oo Sawirradiisa la soo dhejiyey, qiimaha lagu gelayaana yahay 20$ (Labaatan Doollar), Hal-ku-dheggiisuna yahay; ‘La Cawee Libaaxyada’, ayey Xiddigaha Geesku ku qabanayaan Beerta Libaaxyada iyo Duur-joogta kala duwan ee kaleba lagu xannaaneeyo ee Waran-cadde oo ku taalla Hargeysa oo aan hore Bandhig-faneed loogu qaban inay Dadweynuhu Dalxiis ahaan iyo Daawasho ahaan u tagaan, Carruurtoodana u geeyaan mooyaane, ay uu Shawgani ugu horreyn doono, ayaa si aynu wax uga ogaanno sababta Xiddigaha Geeska oo Huteellada hore ugu qaban jiray Bandhigyada ay hadda ugu qabanayaan Beerta Libaaxyada iyo Waxa kale ee Fan ahaan ku cusub ee ay Beertaas ku soo bandhigi doonaan, ayaa Shabakadda Aftahannews.com Khadka Taleefanka kaga waraysatay Guddoomiyaha Kooxdaas Abwaan Laab-saalax.

 

Guddoomiyaha Kooxda Fannaaniinta Xiddigaha Geeska ee fadhigoodu yahay Hargeysa Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laab-Saalax) oo   Aftahannews.com u warramay heegay inuu yahay Bandhig ka duwan kuwoodii hore, kana casriyeysan oo ay Bulshada u qabanayaan Tobanka Bishan, isaga oo intaas ku daray inay Koox ahaan heerkii ugu fiicnaa wakhtigan marayaan, marka laga eego dhinacyada Fanka, Qalabka, Tayada iyo Tirada Fannaaniinta intaba.

 

“Xilligani waa markii ay ugu woodda badnayd Kooxda Xiddigaha Geesku, waa wakhtigi uu u dhan yahay Qalab la tumo nooc kasta oo uu yahay. Sida adaraaddeed, waxaannu Bulshada ugu bushaaraynaynaa in Kooxda Fanka ee Xiddigaha Geesku qaban doonaan Bandhig-faneed ka duwan kuwii aannu hore u qaban jirnay.” Sidaa ayuu yidhi Abwaan Xasan Dhuxul.

 

Waxaanu Guddoomiye Laab-saalax oo Jawaabta su’aasha aan weydiiyey uu ka bixiyey sii sharraxayaa yidhi; “Bandhig-faneedyadii aannu qaban jirnay, waxaannu ku qaban jirnay Huteello iyo Hoolal Kulul, laakiin Bandhig-faneedka aannu soo wadno ee Fannaaniinta Xiddigaha Geeska oo isku dhan ay qaban doonaan wuxuu kaga duwan yahay kuwii hore waxaannu ku qabanaynaa Beer Qurux badan oo Laydh iyo Hawo leh, taasoo ah Beerta Libaaxyada Waran-cadde ee magaalada Hargeysa. Markaa, Bushaaradaas baannu Bulshadayada u haynaa oo aannu leenahay ha moogaannina.”

 

Sidoo kale, Abwaan Laab-saalax, waxa uu sheegay inay Fannaaniinta Xiddigaha Geesku soo bandhigi doonaan Heeso kala duwan oo Fankii hore, kii dhexe, kii dambe iyo Heeso habeenkaas uun la maqli doono la iman doonaan Bandhiggaas, waxaanu yidhi; “Bandhig-faneedkaas ka duwan kuwii hore, waxaannu qaban doonnaa tobanka bishan aynu ku jirno (10 August 2017), waxaan dareemi karaa inay Bulshadu aad uga heli doonto Bandhig-faneedkaas oo uu noqon doono mid ka xiiso badan Shawyadii hore aannu Koox ahaan u qaban jirnay, sababta oo ah Jewiga, Goobta, Awoodda Kooxda Tayo Fannaaniin ahaan iyo Qalab ahaan wax waliba sidii hore way ka duwan yihiin. Waxay Fannaaniintu Bulshadooda u soo bandhigi doonaan Heeso badi wada cusub, Heesihii hore, kuwii dhexe iyo kuwii dambe ee Fanka Soomaalida, waxay Fannaaniinta Xiddigaha Geesku u heesi doonaan si toos ah (Live) ah.”

Guddoomiyaha Xiddigaha Geeska Abwaan Laab-Saalax oo Aftahannews weydiisay maaddaama oo Beer Dugaag iyo Duur-joogba lihi ku xidhan yihiin lagu qabanayo Bandhig-faneedkaas haddiiba ay dhacdo in wax ka yimaaddaan oo Libaaxyada iyo Harimo-cadka cidda dammaanad-qaadaysa Ammaanka Bulshada Shawgaas ka qaybgalaysa, waxa uu ku jawaabay; “Ammaanka Beertu wuu sugan yahay oo meel lama galaan ah maaha ee waa meel mar walba ay Bulshadu Dalxiis iyo Daawasho u tegi jirtay Beerta Libaaxyada ee Warran-cadde, taas oo si qurux badan loo beeray, Huteel Casri ahna laga furay wakhtigan, waa meel xasilloon.”

Advertisement

Ku Xayeysiiso