Akhri: “Haddii Ay Meesha Kaga Kacayeen Dadkii Qaadhaanka Ku Yaboohay Waanu Naadin Doonaa Oo Weliba Anigu Kama Cabsoodo Xaadirinta”

 

 Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay In Lasoo Bandhigayo Liiska Dadka Aan Bixin Qaadhaankii Kasoo Kabashada Abaaraha Iyo Olole Socod Doona Bisha August

Hargeysa (THN)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku hanjabtay inay soo bandhigi doonto liiska magacyada ganacsato iyo dad kala duwan oo aan bixin qaadhaan ay iyagu hore ugu yabooheen inay kaga qaybgalayaan mashruuca taakulada ka soo kabashada abaartii adkayd ee ka dhacday dalka sannadkan oo uu qorsheeyey Madaxweyne Siilaanyo. Xubnaha guddi uu hore Madaxweyne Siilaanyo ugu saaray ururinta qaadhaanka ka soo kabashada abaaraha, ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen Hargeysa kaga warbixiyey halka wax u marayaan, waxaanay shaaciyeen in aannu soo wada xaroon dhaqaalihii ay sugayeen oo in badan oo ka mid ah ballanqaadyadii hore loo sameeyey aan la bixin. Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Md. Cabdillaahi Ibraahim Habbane (Cabdillaahi Dheere) oo ka mid ah guddigan, ayaa ugu baaqay dadka uu weli ku hadhsanyahay qaadhaankii ay ballanqaadeen inay ku bixiyaan muddo bil gudaheed ah oo lagu soo gunnaanadayo qaadhaan-ururinta, waxaannu ku hanjabay inay ummadda u soo bandhigi doonaan ciddii bixiwayda yabooh ay hore u samaysay. Isagoo arrintaasi ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Qaadhaanka waynu qaybqaybinay in gudaha intaa laga helo oo dibadda intaa laga helo, dadna halkan (Madaxtooyada) ayey munaasibaddii qaadhaanka kaga dhex yabooheen, dadkaasi haddii aanay meesha kaga kacayn habeenkaa lacagta ha soo shubaan, haddiise ay meesha kaga kacayeen magacyadooda ayaanu xaadirin doonaa hebel intaas ayuu ballanqaaday oo muu keenin iyo hebel kale, dadweynaha ayaanu u sheegaynaa annagu ileyn ballanqaadka isagaa qofku dhiibaye, anigu weliba xaadirinta kama cabsoodo. Waxaannu go’aaminay in qaadhaan-ururinta la gabogabeeyey dhammaadka bishan August, qof waliba waxa uu bixiyey dadweynaha waa loo soo bandhigayaa ee barobagaadho la doonimaayo hebel iyo heblaayo intaas ayaa laga helay, dibadda intaas ayaa ka timi, qaadhaankan gole lagaga kicimaayo ee nin wayn baa hadlay oo madaxweyne hortii ka hadlay, markaa waanu yeedhinaynaa magacyadooda hadday ku shubiwaayaan (sanduuq-xisaabeedyada loo cayimay qaadhaan-ururinta), cid laga kaaftoomayaa ma jirto ee intaynaan isugu soo galin xafiisyadiina lacagta soo bixiya, maalinta dambena waxaad ballanqaaday ee aad dadka u sheegtay waad ka baxday baanu odhanaynaa oo waanu ku naadinaynaa.” Md. Cabdillaahi Dheere waxa uu sheegay in inta badan qaadhaankii loo qorsheeyey bahda waxbarashada ay soo xerootay marka laga reebo jaamacadaha oo badankoodu aanay weli waxba bixin, “Waxbarashadu qoondadii loogu talogalay way keentay, laakiin jaamacaduhu way dhiman yihiin oo 35 jaamacadood waxa bixiyey dhawr jaamacadood oo aan 10 gaadhin, inta kale waanu ka sugaynaa inay degdeg u keenaan qaadhaanka oo arday walba laga doonayo 20,000 SH/SL (labaatan kun oo shillin Somaliland), balse inta badan ardayda dugsiyada hoose/dhexe iyo dugsiyada sare way bixiyeen,” ayuu yidhi. Wasiirku waxa uu tilmaamay in haddii aan la helin qaadhaankii ummadda laga sugayey aan laga midho-dhalin karin ujeeddadii laga lahaa barmaamijkan uu fikirkiisa lahaa Madaxweynaha Somaliland ee ahayd in dib loogu xooleeyo dadkii ku caydhoobay abaarta, laguna qodo ceelal biyood oo qayb ka noqda in lagaga gaashaanto abaarta soo noqnoqtay. Sidaasi darteedna waxa uu shacabka reer Somaliland ugu baaqay in aan loo kala hadhin ka qaybgalka ururinta taakuladaasi, waxaannu yidhi, “Hindise ma samayn karno haddaynaan adduunkii isku keenin, guud ahaan shacabka, ganacsatada iyo walba waxaannu leenahay si loo gaadho qorshihii iyo ujeeddadii laga lahaa ha la keeno qaadhaankii la ballanqaaday, waxaana loo hawlgalina lama helo. Waanu u mahadcelinaynaa shacabka, shirkadaheenna iyo ganacsatadeenna oo iyagaa abaartiiba taakulada ka gaystay, maanta wixii ay ballanqaadeen waanu uga fadhinaa, waayo dadkii abaartu haleeshay way innaga sugayaan oo maxaa naloogu maqanyahay bay leeyihiin? Guud ahaana dadweynaha waxaannu ugu baaqaynaa inay ka qaybgalaan taakulada oo qof waliba wixii uu heli karayo ay ku darsadaan, kii hal dollar heli karaya iyo kii wax ka badan bixin karayaba, adduunka oo dhami wuu inna eegayaa oo waxa la leeyahay maxay qabsadeen ee waxa loo baahanyahay in aynu fadhiga ka kacno. Annaguna (guddiga) kabaha ayaanu u soo gashanay oo bishaa August habeen iyo maalin waanu shaqaynaynaa.”

Advertisement

Ku Xayeysiiso