Akhri: Feysal Cali Waraabe Oo Farta Ku Fiiqay Awoodaha Uu U Madax-banaannaan Doono Murashaxiisa Madaxweyne-ku-xigeenku   

 

Waxaa Uu Ka Afeeftay In Hadhow Cabasho Laga Hor-keeno Awoodda Uu Isagu (Faysal) Yeellan Doono Iyo Ta Uu Ku Xigeenkiisu Ku Shaqayn Doono

“Xisbiga (Murashaxiisa) Madaxweyne-ku-xigeenka waa diyaar oo Waxaan doonayaa inuu qabto shaqada badankeeda, anniguna waxa aan la soo hadhayaa….” Sidaa waxa yidhi guddoomiyaha  Eng. Faysal Cali-waraabe oo sidoo kale ah murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga UCID kaasoo hadal ka jeediyey qado-sharaf loogu sameeyey dorraad Hargeysa, kaga warramay arrimo ay kamid yihiin hadal hayn ay ra’yul-caamka bulshadu iska weydiinayaan saamaynta ay qabsoomida doorashada madaxtooyada oo waqtigii loo muddeeyey waxyari ka hadhsan tahay ku yeelanayo maqnaanshaha ciddii murashaxa madaxweyne ku xigeenka unoqon lahayd xisbiga UCID. Feysal Cali Waraabe waxaa uu sheegay in uu ka fiirsanayo cida uu u soo xushay in uu murashax ku xigeen ka dhigto, kaasoo ku dhawaaqidiisa uu unisbeeyey in ay ka horreyso hawlo ay kamid yihiin wada hadallada ay jamhuuriyadda Somaliland kula jirto kooxda Khaatumo ee Cali Khaliif hoggaamiyo, kuwaas oo uu sheegay in marka la dhamaystiro kadib uu soo bandhigayo. Guddoomiye Feysal waxaa uu ku dooday in qorshiiisa siyaasiga ah ee uu tartanka doorashada ku galayo ay kamid tahay in ay kala soocnaadaan awoodaha dastuurku siinayo madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka kuwaas oo uu tilmaamay in isagu u madax banyan doono murashaxiisa ku xigeenka awooda inteeda badan markalaga reebo kuwo gaar ah oo uu isago lasoo hadhi doono.

Hadalkan Feysal Cali Waraabe oo uu arrimo ku saabsan qaabka ay Somaliland ku heli karto aqoonsi caalami ah kaga warramay waxaa  sidoo kale ku iftiimiyey in aannu dalka Somaliland midoobi doonin haddii aanay midaysnayn bulshada muwaadiniinta ah isagoo   tilmaamay inaan la ictiraafayn Somaliland haddii aan lagu dhaqmin sharciga iyo nidaamka dawladnimo. “Dalkeennu ma midoobayo haddii aanay dadkeennu midaysnayn, lamana ictiraafayo Somaliland, haddii aanay Somaliland oo dhan u dhammayn goonni-isu-taaga. Lama ictiraafayo Somaliland, haddii aanay Somaliland ku shaqaynayn caddaalad iyo nidaam dawladeed oo leh kala dambayn iyo sharci, taasina waxa ay u baahan tahay in cidda wax tirsanaysa dadkeena oo dhan aynu gogol u fidiso oo la wadahadlo,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe. Waxaannu intaas ku daray; “Wax aynu wada leenahay oo lagu wada raali yahay oo aan reer ka muuqan, reerna ka qatanayn in aynu samaysano ayeynu doonaynaa, Insha Allaah. Wadahadalka Khaatumo iyo Somaliland waynu soo afjari doonaa, meel fiicana way marayaan.” Guddoomiyaha UCID, ayaa sidoo kale xaqiijiyey inuu diyaar yahay shaqsiga noqonaya murrashaxa Madaxweyne-ku-xigeenka xisbigooda, laguna dhawaaqi doono marka la soo afjaro wadahadalka u dhexeeya Somaliland iyo Khaatumo. “Xisbiga (UCID) Madaxweyne-ku-xigeenkiisii waa diyaar, waannu ka fiirsanay. Ma doonayno Madaxweyne-ku-xigeen hadhaw la yidhaah waar xaguu kan ka keenay. Waxa aannu doonaynaa in Madaxweyne-ku-xigeenkeennu uu qabto shaqada badankeeda, anniguna waxa aan la soo hadhayaa haddii Ilaahay yidhaah siyaasadaha arrimaha dibadda iyo difaaca, inta kalena (hawlaha qaranka) waxa aannu siinaynaa Madaxweyne-ku-xigeenka, waxaanan samayn doonaa Madaxweyne dalka mideeya bariga iyo galbeedkaba, markaa wuu jiraa (murrashaxa Madaxweyne-ku-xigeenka UCID), laakiin hawlo jira aawadeed oo taas Khaatumo ka mid tahay in aannu horta dhammaystirno,” ayuu yidhi Murrashaxa xisbiga UCID. Waxa kaloo uu ka hadlay doodaha maalmihii u dambeeyey ka taagnaa kiniisad ku taal Hargeysa, isagoo xusay in mawqifka xisbiga UCID yahay hadba waxa ay diinta islaamka iyo culimada reer Somaliland ka qabaan hawlaha kiniisadaha, waxaannu bulshada ugu baaqay in aan wax macno buuran ah laga dhigin arrintaas, loona daba fadhiisto waxa ay shareecada islaamku ka qabto.

Advertisement

Ku Xayeysiiso