Daawo: Somaliya Iyo India Oo kala Saxeexday Heshiis ku saabsan Maxaabiix Ku Dulmanaa Mudana ku xidhnaa India iyo Qaar kale

Wasiirka Arimaha Dibada Xukuumada Soomaaliya uu wehliyo Xeer ilaaliyaha Qaranka iyo masuuliyiin kale ayaa xiligan ku sugan magaalada New Delhi ee caasimada dalka India, waxaana wafdigan heshiis maxaabiis is dhaafsi la galeen dowlada India.

Heshiiska labada dhinac is dhaafsadeen ayaa dhigaya in Dowladda Soomaaliya lagu soo wareejiyo 118 maxbuus oo loo heysto dembiyo la xiriira burcad badeed oo hadda ku jira xabsiga Taloja ee magaalada Mumbai ee dalka India ka dib marka uu xukun ku dhaco.

Heshiiskaasi wuxuu qorayaa in maxaabiistaasi ay xukunka ku dhammeystaan dalkooda si ay ehelkooda iyo saaxiibbadood ay u soo booqan karaan, waxaana maxbuuskii raba in xukunkiisa dib u eegis lagu sameeyo sida uu heshiisku qorayo waxaa go’aanka dib u eegista leh Dowladda India.

Waxa uu sidoo kale heshiisku qorayaa in labada Dowladooda ee Soomaaliya iyo India ay mid kastaa iskeed cafis ugu fidin karo maxaabiista iyada oo waafijineysa shuruucda dalkeeda.

Maxaabbiista Soomaaliyeed ee India ku xiran oo dacwaddooda la qaaday, waxaa la filayaa 15-ka ugu horreeya in Maxkamad ku taalla magaalada Mumbai ay berri ku dhawaaqi doonto xukunkooda.

Advertisement

Ku Xayeysiiso