Sinaan iyo Cadaalad rabi Ha INA siiyo Hogaan Suubanoo wacan W/T Garaad

Sabankii Rabi Doortay
Suubanaw nabigeenii
Noo Sahlaayay umuurte
Naxariista saraysiyo
Cadaalad lagu sooryo
Saldhig nooga dhigaaye
Diinta uu usocdaalee
Dadaalkiisi Samaa
Subuxuu Safaynaayay
Dunidii Sirgacnayde
Nuurku uu usiraaday
Saxaabadii xaqa raacdee
Cadawga Seefta u qaatee
Saacidaayay Aqoonte
Markii suuq lagu shiiday
Markii seef lala doonay
Markay saaburayeen iyo
Iyagoo subcinaayo
Ku sabaaya naftoodoo
Ku sawdaaya quraanka
Bilahoo dhan safraayo
Soomaayoo dharaaro
Ka sii jeestay aduunkoo
Saahidsiiyay naftooda
Iyagoo Saw mal haadoo
Dibnohoodu Sarmeen
Sanad koo dhan cibaadiyo
Ku dadaala Salaado
Dhaxantoo Sanqadhaysa
Saacadaha Allaylkii
Tukanaaya Salaado
Sujuudun u dhacaaya
Ilaa Waagu Siraato
Alle saamax dalbaayo
Ku saw daaya Quraanko
Ilmadu surka dhaafto
Sunadiina Ku taagan.
Sadaqaysta Woxoodo
Sakadaa Ku dadaalo
U safraayay jihaadkoo
Carabkoodu Sugnaaye
Kalaam xun ka Sifeeyay
Taabiciinti Saxaabada iyo
Safafkii Ka Dambeeyay
Saadadii xaqa raacdiyo
Ragii Diinta U Saydhmee
Cilmigaa sar u qaadee
Suulinaayay xumaanta
Siraadkii Alle Jeexiyo
Sunadii Nabigeena
Ku baaqaayay Samaantoo
Sifahaasun Ku taagna
Sareeyaw Rabigeena
Sidu Diinta Ku sheegay
Safkii waajibka qaate
Ku Dadaala Samaanta
Inuu Soo Arxamaayo
Sabo Nuur lehna geeyo
Jano Saami ka Siiyoo
Saaxad Aan laga guurin
Sifeheeda LA yaabka ah
Raaxo Saatir Ku uumay
Jano Soo Widh widhaysiyo
Wabiyaal Sanka joogo
Suurad aan LA sifayno
Ishu aanay ka suulin
Sardriguu Ku degaayo
Samacaa u wanaagsano
Sahwigay hadba keentiyo
Sahankay naftu doontaba
Saacadaaba LA siin
Samaanta kuwo raaciyo
Dadku Waa labada Saf
Xumaanta kuwa Saacida
Samhariira Ku daatoo
Lagu Saafo jidhkoda
Sawaariikh wax gubaysiyo
Sabadaa Holcanaysa
Sakaraad iyagoo ah
Hadba Saan laga Saaro
Silsilad lagu jiido
Ilmadaa Soconaysiyo
Dhibkaa aad ka Sasaysid
Silica lagu hoogo
Siraad kaad hadba raacdaad
Saldhigiisa ku Waari
Sida Saaka LA joogo
Sufuuftaa lagu xoomay
Boqolkiiba sagaashan
Umadii Siday yeeshay
Ka Salguure Xaqiiba
Samankan Had a muuqda
Saan saantan halcanysiyo
Saacan laaca aduuyada
Ee LA Saaray dusheeda
Kuwii Raaca Salaanka
Suubanaw nabigeeni
Siraadkii la tilmaamay
Saatiraw Naga yeel
Saqajaanadan Buuxa
Waxan Maanta Sagaashan
Shilmaadyo LA siiye
Muslinkii Sarif Siistee
Sariirtaa Ku degeeyee
Ragan Soodhka daraaye
Walaalkii Silcinaaya
Suntan Gaalku ridaayo
Saqiirkan LA dilaayo
Ninkan Kuu Sakhiraaya
Hadii Aad Sawjadaadiyo
LA Sardhayso Caruurta
Muslinkii la Sukuuno
Qayb dhanbaa Sakaraado
Waxaad Saaka Tarayso
Ducada u Sokaysa
Ninkan kuu Sakhiree
Ku Sahlaaya Umuurtuna
Waa Mid Suurta Ilaawoo
Dunidan Sardhanaysa
Suuradeeda LA yaabo
Ku Suntay Qalbigiisa
Waa Midkaa Sidiqaaya
Saacan Gaalku Xidhaayo
Beentan uu sarifaaye
u saxaayo ibliisku
Sahwigay dhigayaan
Sawirkay dirayaan
Saanaday Ridayan
Talaalba sac sacoo dhan
Soorta loogu daroo
Seexinaaya Aduunkan
Fidmadan Soolka Joogta
Saacadan Ku hadhaysay
Siraadkan laga jeestay
Xishoodkan kaba Suulay
Dadkii Siidhka Wacnaa
Xumahan Soo uraaye
Surin Walba Ka taagan
Sixirkan INA gaadhay
Gaalkan Soo Xidh Xidhaaya
Suntan Qaadka la beeray
Sinjigeenaba Waale
Qudhunkoo Dhan Sahlaaya
Sinadan lagu Faanay
Dunidan Sirkhaankeediyo
Saaqidkeedii La Race
Horkacaayo Sigaarluhu
Ma Anaa Samhariiriyo
Safiir Gaalku istaadhiyo
Saqajaamada doorta
Suun Ka gaalku Tusaayay
Suufafkuu u tolaayo
Siibadaa Ku xidhaaya
Marku Soolka yimaadana
Sankaasun ka Hadlaaya
Kala Saara dadkiiso
Ku sooryeeya qabyaalad
Dadkan Saacid lahaa
Sumadu Ha is Raacdo
Sadexdii Wada Joogtaba
Kala Sooc Ku Abuuro
Ninka gaalku Siraayaw
Dimuqraadi Salgaadhaw
Dadkiisi Kala Saaraw
Siyaasi Xaqa Diidaw
Saciiraa Ku Sugaysee
Iska Soo Sal Salaan
Nimankaanad Sujuud iyo
Soo Rumeeya Ilaahay
Suurad aanad u sheegin
Dacwadii Sayidkeena
Suubanaw Nabigeena
Waajibkuu INA Saaray
Safka Aanad U Qeexin
Umacnayn Sifeheeda
Amarkii lagu Siiyiyo
Xujun baa Ku dul Saarano
Su aalbaa Ku horjoogtoo
Ku Sugaysa Qiyaamaha
Allaw yaa Ku Sadqeeyo
Gaalkan Aad ka Sasaysid
Ka Sugaysid Bariiska
Siinba aanad u sheegin
Sadarkiisa Qaloocan
Kugu Soo Suntanaaya
Soonyihii dalka Qaatay
Marka Uu Ku Saraaye
Soodhka Uu Ku Daraayo
Sawir Saaka Ka keena
Hadii Aynu Samaano
Subuuxow Rabigeenu
Waajibkuu INA Saaray
Sidiisaaba u qaadno
Sifihii nabigeeniyo
Saxaabadu ka Sinaydna
Sabirkii LA Nimaadno
Xumahaa So’da Buuxana
Seeftaa Aan Ku Garaacno
Sidaasaynu Ku Doogi
Salaamadka Ku gaadhiyo
Sumadii Gobta Weeyee
Ku Dadaala Samaantiyo
Sinaanta lagu Waariyo
Sunadaa Nabigeeniyo
Faralkaa Ina Saaran

Advertisement

Ku Xayeysiiso