Gudaha Ka Eeg :Xisbiga Waddani Oo Lagu Soo Dhaweeyay Allaybaday .

Wefti balaadhan oo uu hogaaminayey Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo ay wehelinayeen Masuuliyiinta deegaankaasi ee xisbiga Waddani ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey Magaalada Alaybaday.

Musharaxa Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro, oo ugu horayn u mahadnaqay shacabka degmada Alaybaday sida cirbaxa ah ee ay u soo dhaweeyeen weftiga xisbiga Waddani ee socdaalka ku tagay dagmada Alaybaday, ayaa si gaar ah u bogaadiyey Siyaasiyiinta deegaankaasi ee xisbiga Waddani ka tirsan oo ay horkacayeen Siyaasi Aw Xareeye, Sahra Xaaji Gaydh iyo Abiib Timacad.

Waxaanu gudoomiyuhu sheegay in xisbiga Waddani aan laga lahayn oo ay u siman yihiin dadka jooga Laasqoray, Saylac iyo Alaybaday jooga, si isku mid ahna ay xaq ugu leeyihiin xilalkiisa iyo taladiisaba.

Ugu Horayn Musharaxa oo shucuubta ku soo dhaweeyey Alaybaday la hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Anigoo ku hadlaya magaca wefttiga waxaan mahadnaq balaadhan usoo jeedinayaa shacbiga degmada Alaybaday, waxaanu leenahay walaalayaal inaad bacadkaasi taagnaataan saacado badan si aad noo soo dhaweysaan, aad iyo aaad ayaan idiinku mahadnaqayaa, waxa kale oo aan u mahadnaqayaa odaygii magaalada Aw Xareeye iyo dhamaan dadkii ku soo biiray xisbiga Waddani ee go’aansaday in meesha laga badbaadin karaa Somaliland ay tahay xisbiga Waddani, waxaan u mahadnaqayaa dhamaan hablaha xisbiga Waddani oo ay u horayso Sahra Xaaji Gaydh oo dhinacayga taagan.

Waxaynu wax walba ku ilaabaynaa quluubtiina iyo shucuurtiina, waxa naloo sheegay in aad halkan hadh weyn ka samayseen, laakiin koox ka timid Hargeysa balse oo xisbiga KUlmiye iyo xukuumada iskugu jiray ay idinka burburiyeen, waxaanu u sheegaynaa quluubta hadh la burburiyey waxba ka badali maayo, Shucuurta dadka way sii kordhinaysaa, casiimadooday sii kordhinaysaa go’aankooday sii kordhinaysaa. Xisbiga Waddani sida ay odayaashu ku celceliyeen iyo madaxda xisbigu hadafkiisu waxa weeyi in Somaliland oo aan jeegaan ahayn la sameeyo, Somaliland la wada leeyahay la sameeyo Somaliland cid loogu balan qaaday aanu jirin oo la wada leeyahay.

Muwaadinka Laasqoray jooga, Ka Saylac jooga iyo ka Aybaday jooga iyo ka caynabo joogaa ay u siman yihiin, inuu noqdo gudoomiyaha Waddani, inuu noqdo Madaxweynaha Qaranka in aanu cidna u xidhnaanin, Gudoomiyaha xisbiga Waddani cidna u xidhnaan maayo, xilalkoodu cidna u xidhnaan maayaan. Waxa daliil idiin noqon kara ah shan sano ayaan ahaa gudoomiyaha xisbiga, waxaanu go’aansanay in gudoomiyihii xisbiga aniga la iga wareejiyo oo masuuliyiinta xisbiga lagu wareejiyo, Wali Somaliland kamay dhicin taasi, Maaxweynahana waa la tartamayaa oo anigu dadka kama fariidsani, waxa maanta la iga dhigay musharax waxa laga yaabaa in marka dambe uu musharax kale soo baxo doorashada soo socota hadii Illaahay ka dhigo, dhalinyarada halkan jooga iyo hablaha lagama laha waxa aynu doonaynaa inaynu qaran dhisno, waxaan ku hambalyeynayaa siyaasiyiintii go’aankaasi qaaday qabyaaladu waa meelaha aynaan wali ka bogsan.” Ayuu yidhi Musharax Cabdiraxmaan Ciro.

Sidoo kale waxa isaguna la hadlay taageerayaasha xisbiga Waddani ee degmada Alaybaday Hogaamiyaha xisbiga Waddani Mudane Xirsi Xaaji Cali Xasan, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Dhamaan dadka reer Alaybaday waan idin salaamayaa, aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin sida qiimaha badan ee aad noo soo dhaweyseen iyo runtii shucuurta aad muujiseen ee Waddaniyada ah ee walaal-nimada ah ee qabyaalad la’aanta ah ee aad muujiseen aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin.

Maaha maalintii iigu kiin horaysay in badan ayaan halkan maray, maalintii iigu kiin dambaysay Hartaa Looyar ayaa lanoogu sameeyey qadada, sharaftaa iyo qiimahaa waa la idinku yaqaanay aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin.

Xisbiga Waddani sidaa la sheegay waa xisbi qaranimada xoojinaya, midnimada ummadda xoojinaya, inay wax wada yeelato xoojinaya, qiimaynaya bulshada iyo baahideeda qiimaynaya, dhibaatooyinka ka jira arimaha bulshadana waxbaanu ka qabanaynaa.

Sidii hore la idiinku sheegay xisbiga Waddani cid gaar ahi ma laha waa la wada leeyahay, waa loo soo kala horeeyey lamana kala laha”. Ayuu yidhi hogaamiyaha xisbiga Waddani, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso