Gudaha Ka Eeg :Waxgaradka, Madax Dhaqameedka Iyo Odayasha Beelaha Daa’uud Ismaaciil (Ciidagale) Oo Hadhimo-Sharafeed U Sameeyay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe .

Qaar ka mid ah Madax-Dhaqameedka, Waxgaradka iyo Odayasha Beelaha Daa’uud Ismaaciil (Ciidagale) Ayaa maanta hadhimo-sharafeed u sameeyay Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe .

Waxaana ujeedada hadhimo-sharafeedkani ahayd sidii Gudoomiye Faysal loogu bogaadin lahaa dadaalka uu ugu jiro midnimada Somaliland iyo wada jirkeeda, iyo waliba doorka muuqda ee uu ka qaadanayo wada hadalada Somaliland iyo Khaatumo .

Caaqil Khadar Oo ku hadlayay afka Madax Dhaqameedkaasi ayaa sheegay  in ujeedada ay casuumeen Gudoomiyaha ay tahay sidii ay ugu hambalyeen lahaayeen iyo sidii ay ugu dhiirigalin lahaayeen Dadaalka xoogan ee uu ugu jiro wada  jirka bulshada Reer Somaliland, Waxaanu si gaar ah carrabka ugu dhuftay Dadaalkii nabadeed ee uu ka sameeyay dalka sannadkii 1994 iyo ilaa maanta oo uu ka shaqaynayo wada jirka iyo midnimada Somaliland .

Caaqilku waxaa uu intaasi ku daray oo uu sheegay in Murashax Faysal Cali Waraabe yahay Murashaxa Qudha ee haddii uu guulaysto Dalkani is beddel ka samayn karaa .

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo halkaasi ka hadlay ayaa Odayaasha iyo madax dhaqameedka uga mahad-naqay Casuumadda ay u fidiyeen, waxaanu sheegay in ay waajib tahay in laga shaqeeyo danaha qaranka .

Murashaxa ayaa sheegay in uu sii wadi doono dadaalka uu ugu jiro midnimada Somaliland, isla markaana uu hadda u bixi doono Deegaanka Ceel-afwayn si uu uga qeyb qaato dadaalada lagu daminyo Colaadda ka taagan Deegaankaasi .

Sidoo kale waxaa uu halkaasi ka cadeeyay in uu diyaar yahay Murashaxa Madaxweyne ku Xigenka Ee Xisbigu, balse duruufo jira awgeed ay dib u yara dhigayaan Shaacintiisa .

Ugu danbayn Gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxaa uu ka hadlay Kiniisad ku taalla hargaysa oo dib u dhis lagu samaynayo, Waxaanu sheegay in ay qabaan waxay Culimada dalku ka qabto Kiniisadaas .

Hadhimo-Sharafeedkani ayaa ku soo dhamaaday Jawwi Degen .

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso