Gudaha Ka Eeg : Xisbiga KULMIYE Oo Go’aan Ka Soo Saaray Khilaaf Ka Dhex Jiray Gudaha Xisbiga .

 

Hoggaanka xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMYE, ayaa go’aan ka soo saaray khilaaf ka taagnaa maamulka Laanta xisbiga ee Waqooyiga Ameerika maalmihii u dambeeyey.
Go’aan uu hoggaanka xisbigu ka soo saaray arrintaa maanta oo taariikhdu tahay 30-ka bisha July oo lagu kala socodsiiyey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Waqooyiga Ameerika iyo Guddida Fulinta xisbiga ee laantaasi, laguna ogaysiiyey Guddiga Fulinta ee Xisbiga KULMIYE iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, waxa lagu caddeeyey in xarunta dhexe ee xisbigu aqoonsantahay in Guddoomiyaha Waqooyiga Ameerika ee KULMIYE uu yahay Mustafe Cabdi Cartan, isla markaana waxa loogu baaqay xubnaha madaxda ah iyo taageerayaasha kale ee xisbigu inay damiyaan muranka oo ay shaqo u diyaargaroobaan.
Go’aankaas oo uu ku saxeexanyahay Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf, waxa uu u dhignaa sidan;

“Ujeeddo: Caddayn Xileed.

Sida aad wada ogtihiin, dalalka Dibaddu waxa ay u madax-bannaan yihiin in ay doortaan Guddidooda Fulinta, guddidaas oo iska dhex doorata Guddoomiyaha iyo xubnaha kale ee xilalka ku magacaaban. Sidaas darteed, maadaama taageerayaasha iyo xubnaha xisbiga KULMIYE ee Waqooyi Ameerika hore u doorteen Guddoomiye Mustafe Cabdi Cartan iyo xubnaha kale ee Guddida Fulinta, Xarunta Dhexe ee Xisbiga KULMIYE-na ansixisay doorashadaas, waxa aannu u aqoonsanahay in Mudane Mustafe Cabdi Cartan iyo Xubnaha kale ee Guddidiisa Fulintu yihiin Guddoomiyaha iyo Guddida Fulinta ee sharciga ah ee Waqooyiga Ameerika ee xisbiga KULMIYE.

Waxa aannu ku talinaynaa in aan doorasho Guddi Fulineed la samayn inta doorashada Madaxweynaha JSL ka dhacayso dalka. Waxa kale oo aannu soo jeedinaynaa in lala shaqeeyo Guddoomiyaha, Guddida Fulinta iyo Guddida Mus-dambeedka ah ee Waqooyiga Ameerika ee u dhisan maanta Xisbiga KULMIYE.

Maslaxadda Xisbigu waxa ay ku jirtaa in loo midoobo u diyaargarowga Ololaha Doorashooyinka innagu soo foolka leh iyo dar-dargalinta hawlaha muhiimka ah ee Xisbiga u yaala.”

Advertisement

Ku Xayeysiiso