“Guuldarada waxa ka mid ah shay arrimood, oo hadii xishoodka qofka naftiisa laga waayo ka mid tahay..” Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir.

“Guuldarada waxa ka mid ah shay arrimood, oo hadii xishoodka qofka naftiisa laga waayo ka mid tahay..” Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir.

“Qofku haduu ku rido xaaraan calooshiisa, waxay sabab u noqonaysa in ducadiisa la aqbali waayo..”

Hargeysa- Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir ayaa sheegay in xishoodku yahay qeyb ka mid ah iimaanka, waajibna ku tahay qof kastoo islaam ah inuu ku sifoobo.

Khudbadii jimcaha maanta (shalay) oo Sheekh Maxamed faahfaahin kaga bixiyey ayuu ku bilaabay:

“Xishoodku waa qeyb iimaanka ka mid ah, sida nebi Maxamed CSW xadiiska inoogu sheegay. Sababta aynu uga hadlayo waa muhiimada uu leeyahay, maadama xilligan u muuqdo in xishoodkii ka yaraaday madaxdii, ragii, dumarkii, dhalinyaradii.

Sheekh Dirir oo ka hadlayey ayaa sheegay inuu yahay ka xishoodka xaaraanta iyo macsidu yahay ka qof kasta  looga baahan yahay, waxaanu yidhi,

“ka xishoodka xaaraanta iyo macaasida weeye waajibka qof kasta looga baahan yahay, laakiin shayga xaqqa ah lagama xishoodo sheegistiisa.

Nebi Maxamed CSW ayaa saxaabadii u sheegay xadiis macnahisu ahaa ‘Ilaahay waxaad ka xishootaan xishoodka dhabta ah’ ayuu sheegay Sheekh Maxamed, isagoo yidhi,

“Nebigu CSW waxuu saxaabadii ku yidhi, ‘Ilaahay waxaad ka xishootaan xishoodka dhabta ah’ saxaabdii ayaa ku jawaabay, ‘Ilaahay baa mahad lehe, waanu ka xishoonaa’ Nebiga CSW ayaa yidhi, ‘Maaha xishoodka Ilaahay ka aad moodaysaan’ laakiin ‘Xishoodka dhabta ah een idiin sheegayo waa inaad ilaaliso madaxaaga iyo waxuu koobsaday, (maskaxdii, indhahii, dhegahii, afkii) waa inuu qofku ka ilaaliyo wax kastoo xaaraan ah.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in sheyga labaad ee xidhoodka dhabta Ilaahay looga xishoonayo yahay caloosha iyo waxay koobsatay, waxaanu yidhi,

“Sheyga labaad ee Ilaahay looga xishoonayo si dhab ah waa caloosha iyo waxay koobsatay, oo qofku haduu ku rido xaaraan calooshiisa, waxay sabab u noqonaysa in ducadiisa la aqbali waayo.

Qofku markuu geerida xusuusnaado ayuu xishoodka ku dhaqmayaa, sida qeybta sadexaad ee xadiiska Nebi Maxamed CSW uu sheegay, ayuu yidhi Sheekh Maxamed,

“Marka qof walba xusuusan yahay geerida iyo inuu qabri ku dambaynayo ayaa xishoodka dhabta ah u gaadhaya, sida Nebi Maxamed CSW inoo sheegay.

Xishoodka waa qaadashada akhlaaqdii Ilaahay ayuu sheegay Sheekh Maxamed, waxaanu yidhi,

“Xishoodku waa qaadashada akhlaaqda Ilaahay, sida Nebi Maxamed xadiiskii saxeexa aha inoogu sheegay “Qaata akhlaaqda wanaagsan ee Ilaahay oo xishoodka ah.

Sheekh Dirir ayaa sheegay Nebi Maxamed hormood ugu ahaa ku dhaqanka xishoodka, isla markaana salafkii saalaxa ahaa iyo saxaabadii in badan caan ku ahaayeen, dadkana ku waanin jireen xishoodka, isagoo ka hadlaya waxuu yidhi,

“Nebi Maxamed CSW ayaa maalin iyadoo lugtiisu ilaa jilibka marradiisu aanay saarnayn uu Cismaan binu Cafaan u soo galay, markaa ayey Caa’isha ku tidhi, ‘Abuubakar iyo Cumar RC sidaa uma dhaqantid, maxaa dhacay, waxuu Nebigu CSW ugu  jawaabay, “Miyaanan ka xishoonayn qof malaa’igta Ilaahay ka xishootay.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in shan sifood qofkii lagu arko uu kharaasay, waxaanu yidhi, isagoo ka hadlaya,

“Shan sifood qofkii lagu aarko wuu khasaaray, hadii qalbigu qalalo, digriga Ilaahay la’aantii, Indhahiisa oo ilmadu ka dhamaato, Ilaahay dartii u Ilmayn waayey, Xishoodka oo ku yaraada, ama laga waayo, inuu qofku ka daba dhaco aduunyada, iyo inuu cimri dheer iyo yididiilo dheer ku fikiro.

Cumar Binu Khadaab oo ummada ku dhiirigelinaya xishoodka ayaa yidhi, ‘Qofka xishoodkiisu yaraado, xalaal-miirashadiisa ayaa yaraata, ayuu sheegay Sheegay Sheekh Dirir, isagoo ka hadlayana waxuu yidhi,

“Cumar binu Khadaab RC, oo ummada ku boorinaya xishoodka ayaa yidhi, ‘Qofkii xishoodku ku yaraado, xalaal-miirashadiisa ayaa yaraata, qofkii xalaal-miirashadiisu yaraato, qalbigaa engegga.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso