
1. Turkey waxay dhisatay 35,000 Sheybaadh (laboratory), oo lagu baadho, technology ga iyo macluumaad ka casriga ah oo muhiim u ah, iney ku tababartaan da’yarta wadanka, heerkooda aqooneedna sare u qaadaya
2. Ordogan wuxuu bixiyey deyntii lagu lahaa shacabkaTurkey, gebi ahaanba ee bankiga aduunka, qeybtii udanbeysay wuxuu bixiyey bishii May 2014, kadibna isagaa amaahiyey bankiga aduunka, lacag dhan doolar 5 bilyan!, Wuxuu kusoo shubay bankiga dhexe ee dowlada 100 bilyan, xili ay dowladaha waaweyn ee Europe iyo America ay lakufaa kacayeen mashaakilka kadhashay deymaha, ribada iyo hay’adaha dhaqaalaha ee kacay.
3. 10 sano kahor Turkey dhaqaalaha kasoo galo waxyaabaha ay aduunka u iibgayso wuxuu ahaa 23 bilyan doolar, maanta wuxuu maraya 180 bilyan doolar.
4. Ordogan waa kii cambaareeyey madaxweynaha Israel Shemon Pares oo shirka isaga kacay ayadoo ay carab iyo cajami ba fadhiyaan, Gaza darteed.
5.Ordogan waa hogaamiyaha Muslimka ah ee booqday Burma(Miyamar) isaga iyo xaaskiisa, isagoo lakulmay, dadka muslimiinta ah ee wadankaas ku dhiban.
6. Ordogan wuxuu qabtey isu soo bax weyn, oo isugu yimaadeen 10,000 caruur 7 jir ah ayagoo kuwareegaya wadooyinka Istanbul si ay dadka u ogeysiiyaan shacabkooda, inay 7dii sano ubuuxsantay oo laga bilaabo maanta ay tukanayaan salaada oo ay bilaabayaan Qur’an akhris.
7. Ordogan 10 sano gudaheed wuxuu dhisey 125 jaamacadood , 189 iskuul, 510 dhakhtar iyo169 kun oo fasalo casri ah oo kiiba ay fadhiisanayso 21 arday
8. Ordogan intuu xukunka qabtey, mushaarka shaqaalaha wuxuu kor ukacay 300%. Waxaa hoos udhacay shaqo la’aantii aheyd 38% ilaa ay gaadhay 2%.
QALINKII PROF. MOHAMED AHMED FARAH [JAAFAA]