Sawiro :Xog-Hayaha Hawlaha Guud Ee Xisbiga Ucid Eng Axmed Xuseen Jaamac Oo Hargaysa Lagu Soo Dhaweeyay .

Xog-hayaha Hawlaha Guud Ee Xisbiga UCID Eng Axmed Xuseen Jaamac ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Hargaysa .

Xog-hayahan oo ka soo kicitimay Dalka UK Ayaa Waxaa Soo Dhawayntiisa ka qeyb qaatay Saraakiil sar sare oo ka tirsan Xisbiga UCID , Xubno ka socday Ururada Samafalka iyo Dadawayne Kale .

Xog-haye Axmed Xuseen Jaamac oo halkaasi ka hadlay ayaa u mahad naqay Dhamaan Masuuliyiinta iyo dadwaynaha Soo Dhaweeyay .

Waxaanu sheegay in Xisbiga UCID uu dalkan Horumar gaadhsiin doono haddii uu ku guulaysto Talada Dalka, Sidoo kale waxaa uu carrabka ku adkeeyay dhibaatada ay qabyaaladdu ku hayso bulshada, iyo sida ay u ragaadisay, isagoo bulshada ugu baaqay in ay ka gudbaan Nidaamka Qabyaaladda, oo ay gudbaan qarannimo .

 

Goor Dhaw Filo Faahfaaahinta Warkan Oo Muuqaal Ah .

 

Xog-

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso