Xisbiga Waddani Yuu U Ololayn Xisbiga Kulmiye

Xisbiga Waddani Yuu U Ololayn Xisbiga Kulmiye

 

Waxaan daawaday khudbadihii laga jeediyay xafladii ku biirista xisbiga Waddani ee ka dhacday maalmo ka hor magaalada hargeysa oo loo qabtay siyaasiyiin Gobolka Maroodijeex iyo Gabilay ka soo jeeda. Ka dib dhagaysigaasi waxa ii soo baxay natiijo ah (in xisbiga waddani uu si xoogan ugu ololaynayo xisbiga Kulmiye).

Ka hor inta aanan sharraxaada ku sii durkin waxa muhiim ah in aan xuso in aan anigu dhex u ahay saddexda xisbi qaran oo aan u arko saddexda xisbiba kuwo Somaliland ku riday jidkii burburka, in kastoo aan ixtiraam iyo kalgacal u hayo dhamaan murashaxiinta iyo taageerayaasha Xisbiyadaasi, anigoo ku tuhmaya inay si daacadnimo leh dalkooda ugu dadaaleen balse dadaalkooda ay Somaliland ku khasaartay kuna burburayso mustaqbalka dhaw haddii ay sidan u sii wadaan, iyagoo doorashadii diimuqraadiga ahayd ee afkaartu iyo aragtiyuhu ku loolami lahaayeen ka dhigay mid ay reero ku baratamayaan, waana sababta nagu kaliftay dhalinyaro ahaan in aanu asaasno xisbiga qaranimo ee aanu la doonayno inuu tartamo marka la furo tartanka axsaabta 2022.

Markaa doorkaygu halkan wuxuu yahay in aan kaliya tilmaamo labada dhib ka sii dhib yar, anigoo aaminsan in dhamaan dariiqa aynu haysanaa inuu yahay mid dhib badan.

Shakhsiyan waxaan arkaa inay doorashada madaxtooyada ee fooda inagu soo haysaa aanuu wax tartan ahi ka dhaxaynin saddexda xisbi qaran, oo ay guushu si buuxda ay u raacayso xisbiga Kulmiye, iyadoo aan cabsi ka qabo in guusha ballaadhan ee xisbiga Kulmiye ka soo hooyo doorashada in arrintaasi ay ka dhalan karto inay dhidibada u aasto nidaam kali-talis, iyadoo haddii ay arrintaasi dhacdo ay masuuliyada 1aad arrintaasi uu yeelanaayo xisbiga Waddani oo awoodi kari waayay inuu ka soo baxo doorkiisii mucaaradnimo ama waxa aynu u naqaano (isku-dheeli-tirka Awoodda).

Nidaamka kali talisnimo ee aan ka baqaayo maaha mid aan ula jeedo shakhsiyada murashaxa Kulmiye Mudane Muuse Biixi sida ay dad badan u arkaan, balse waa mid ka mug weyn, taasoo ah in xisbiga Kulmiye oo aan aaminsanahay inuu yahay maamulkii nidaamkeenii dawladnimo gaadhsiiya dhaawacii ugu weynaa taariikhda Somaliland, uu aamini doono haddii uu doorashada soo socota ku badiyo tiro ka badan 50% inuu yahay xisbi sida uu doono ka yeeli kara mustaqbalka Somaliland, maadaama uu laba jeer uu ku badiyay aqlabiyad badan, isla markaana uu immikadanna gacanta ku hayo labada gole sharci dajin iyo golayaasha deegaanka, taasoo meesha ka saarisa jaanis kasta oo lagula xisaabtami karo xisbiga Kulmiye.

Aan sharraxaad kooban ka bixiyo khariidada (shaxda) Siyaasadeed ee doorashadan:

  • Tartanku wuxuu u dhaxeeyaa laba xisbi maadaama uu xisbiga Ucid meesha ka baxay.
  • Nuxurka Ololaha Kulmiye waa isu keenka saddex kooxood: 1. Beesha Murashax Muuse Biixi, 2. Beesha Madaxweyne Siilaanyo, 3. Beelaha kale oo xisbiga Kulmiye ku taageeraaya sida caadada ah maadaama uu yahay xisbiga talada dalka haya, isla markaana dano badani kaga xidhan yihiin.
  • Nuxurka Ololaha Waddani waa isu keenka laba kooxood: 1. Beesha Murashax Cirro, 2. Kooxaha neceb Muuse Biixi.
  • Kooxahan kor ku xusan waxa ugu badan kooxda ah aqlabiyada Somaliland oo ah beelaha aanay doorashadani si toos ah u khusaynin.
  • Tartan kama taagna, shakina kuma jiro in beesha Murashax muuse biixi inay u codayn doonaan xisbiga Kulmiye.
  • Sidoo kale Tartan kama taagna, shakina kuma jiro in beesha Madaxwayne Siilaanyo ay u codayn doonaan Kulmiye.
  • Isla markaana, Tartan kama taagna, shakina kuma jiro in beesha Murashax Cirro ay u codaynayaan Xisbiga Waddani.
  • Laakiin tartanku wuxuu ku saabsanaa beelaha kale iyo dacalada kale ee Somaliland, kuwaasina waa kuwa uu ku guul-darraystay xisbiga Waddani inuu cid ka hantiyo, marka laga reebo tiro kooban oo muuse-diid ah.
  • Halka xisbiga Kulmiye ay kaga faa’idaysteen awooda dawladnimo inay hantiyaan beelaha aan codkooda la hubin.
  • Arrinta Xisbiga Waddani carrabka ku adkeeyo ee uu bud-dhig uga dhigay ololihiisa oo ah inuu muujiyo ceebaha Muuse Biixi iyo taariikhdii uu ku lahaa dagaaladii sokeeye waa arrin aan xisbiga sinnaba ugu adeegayn, sababtoo ah dadka maanta codaynayaa waa kuwii dhashay sagaashameeyadii oo aan wax xog ah ka haynin arrimahaasi hore.
  • Mar kasta oo uu xisbiga Waddani ku saleeyo ololihiisa cayda muuse biixi, waxa ay ku kalifaysaa codeeyaasha kale ee dhexda ah ee aynu kor ku xusnay inay hubsadaan xaqiiqada muuse biixi, waxay markiiba u dhaqaaqayaan inay khudbadaha cusub ee muuse biixi dhagaystaan, waxayna ka arkayaan wax 100% ka duwan hadalada uu waddani ku sheegayo, ama ha ka ahaato is badal uu muuse biixi is-badalay, ama ha ahaato hadalka waddani oo aan dhab ahayn.
  • In shakhsiyadaha murashaxiintu ay noqoto waxa uu muranku ku saabsan yahay, maaha mid u adeegaysa xisbiga waddani, sababtoo ah haddii ay saddexda murashax isugu yimaadaan dood furan, waxa waji gabax ka raacayaa murashax cirro, taasoo shakhsiyada cirro ay noqonayso ta ugu jilicsan, sida inooga muuqatay labadii doodood ee ay qabteen star tv iyo universal laba sanno ka hor, sidaa daraadeed danta xisbiga waddani waxay tahay inay diirada ka leexiyaan shakhsiyada murashaxa oo ay u jeediyaan meelo kale oo aan xusi doono.
  • Hadalada aan ka maqlay xafladii xisbiga Waddani ee ahayd inuu la xisaabtamaayo musuq-maasuqa isla markaana uu isbadal dhalin doono, waa erayo xisbiga wax yeelaya in ka badan inta ay wax tarayaan, maadaama ay wajahada u taagan yihiin xisbiga Waddani saraakiishii ugu awooda badnaa xukuumada Kulmiye.
  • Si kooban hadaan ku macneeyo shaxda doorashada waxa inoo soo baxaaya in xisbiga kulmiye ku guulaystay hanashada dadka iyo beelaha aan si toos ah u khusaynin doorashadani, halka xisbiga Waddani uu kaliya kasbaday shakhsiyaadka ay Muuse biixi si shakhsi ah isku hayaan.

Danta Somaliland waxay ku jirtaa in aanay lumin isku dheeli tirka awoodaha saddexda xisbi, iyadoo aynu ognahay in xisbiga Ucid hore u burburay, haddii uu ku sii biiro xisbiga Waddani-na waxay taasi inagu abuuraysaa cabsi ah in geedi socodka diimuqraadiyada Somaliland ay halis ku jirto.

Waan hubaa in xisbiga Waddani ay ku jiraan maskaxo waawayn oo wax ka hagaajin kara qaabka xisbiga ka hor ololaha doorashada, iyagoo haysta wakhti ku filan oo ay wax ku badali karaan.

Nuxurka ugu fiican ee xisbiga Waddani ku salayn karo ololihiisa waxay tahay inuu si cilmi ah ugu caddeeyo shacabka in guul-darrooyinkii ugu waawaynaa ee dhacay muddadii xukunka kulmiye inay ahaayeen kuwo uu xisbiga kulmiye sameeyay oo anay ahayn kuwo ku yimid qadar rabbi oo kaliya sida uu ku doodo xisbiga kulmiye, guul-darrooyinkaasi waxa ka mid ah (abaaraha, qiima-dhaca shilinka, xanuunada faafay, shaqo la’aanta baahsan, tahriibka…iwm).

Waxa sidoo kale laga doonayaa xisbiga Waddani inuu soo bandhigo xalka lagaga bixi karo dhibaatooyinka oo faahfaahsan, arrinta kale ee ugu sii muhiimsanna waxay tahay inuu caddeeyo in aanuu xisbiga Waddani lug ku lahayn dhibaatooyinkaasi, hawshaasina waa mid adag, maadaama uu gudoomiye cirro ahaa Gudoomiyaha Golaha Wakiilada, mana aha dood macquul ah in waddani ku doodo in cirro ahaa (gudoomiye-magac-u-yaal) ah markii uu fadhiyay golaha wakiilada, oo taasi waxay sii dilaysaa magaciisa oo waxay u muujinaysaa hogaamiye jilicsan.

Xisbiga Waddani waxa laga doonayaa inuu si cad u maal-gashado kala duwanaashihiisa uu ka duwan yahay kulmiye arrimaha waawayn ee bulshada dood ka dhex dhalisay oo uu ugu horreeyo mashaariicda (DP World iyo Saldhiga Malatari ee Berbera), oo haddii uu xisbiga waddani uu ololihiisa ku daro mawqif cad oo ka dhan ah mashaariicdan waxa uu soo jiidan karaa daneeyaal fara badan oo ka mid ah beelaha aan doorashadani khusaynin.

Ugu dambayn; talooyinkani waa qayb yar oo ka mid ah talooyinka laga doonayo in xisbiga Waddani hore u qaato si uu si dhab ah ula tartamo xisbiga kulmiye, oo uu u joojiyo ololaha lacag la’aanta ah ee uu wakhtigan u samaynaayo kulmiye, cidii arrintan shaki ka qabta waxaan leeyahay waynu u wada joognaa…. cadaceeduna hortiina ayay iman.

 

mahmoud Jama Ahmed <abuabdala15@gmail.com>

Advertisement

Ku Xayeysiiso