Baaq Nabadeed oo ku Waajahan Colaada Ceel Afweyn

Baaq nabadeed oo ku wajahan muwaadiniinta ku dagaalamay Deegaanka Ceel-afweyn
Ku: Dhammaan Goleyaasha Xukuummadda  Ku: Xisbiyada Qaranka  Ku: Salaadiinta, Cuqaasha, Wax-garadka iyo Shicibka Soomaaliland
Dallada kulmisa jaaliyadaha iyo ururada Somaliland ee Yurub (SSE) ayaa ugu horreyn waxay si cad oo aan gabasho lahayn u soo gudbinaysaa dareenka naxdinta leh ee ka dhashay khilaafka iyo dirirta ka taagan deegaanka Ceel-afweyn
Dallada SSE waxay baaqan ku muujinaysaa dareenka taban iyo sida looga xunyahay khilaafka iyo colaada ku xeeran deegaanka Ceel-afweyn. Waa arrin tiiraanyo iyo walaac wata in muwaadiniin reer Somaliland ahi ay naftooda si sahlan ugu waayaan khilaafka markale ka soo cusboonaaday deegaanka. Dallada SSE waxay sida guud tacsi ugu soo direysaa shacabka reer Somaliland si gaarana qoysaska iyo asxaabta ay ka baxeen muwaadiniinta naftooda ku waayay dagaalka iyo khilaafka Ceel-afweyn.
Xasuusin
Somaliland toobiyaha iyo dariiqa ay soo haysay tan iyo intii la soo noqotay Qaranimadeeda waxa aasaas adag u ahaa ilaalinta xasiloonida iyo nabadgelyada Somaliland, waana ta xukuumadihii soo marey Somaliland u aheyd mudnaanta koowaad. Dhammaan walaalaha arrinkani sida tooska ah u khuseeyo waa muhiim in aanay marnaba hilmaamin muhimadda ay nabaddu leedahay iyo weliba sida ay diinteenna muqaddiska ahi ay meel adag uga taagantahay in dhiig la daadiyo ama colaad la huriyo.  Waa muhiim in aan marnaba laga tegin qiimaha ay nabaddu u leedahay nolosheenna iyo horumarka aan tiigsanayno mustaqbalka dhow iyo ka fogba. Sidaa daraadeed, walaalaha colaaddan lugaha kula jira waxa aanu xasuusinaynaa haddii aanu nahay Qurbo-joogiinnii in dagaalkani uu yahay mid halaag iyo khasaare keenaya isla markaana qoomamadiisa iyo natiijadiisu ay noqonayso wax aan qoraalkan yar lagu sifeyn karin. Nolosha qofka banii’ aadamka ah Ilaahay ayay xurmeeyay. In si xaq darro ah dhiig lagu daadiyaa waa dulmi iyo cawaaqib xumo. Dallada SSE waxay idin xasuusinaysa in Dhallaanka Ceel-Afweyn aanay u baahnayn maanta inay colaad iyo dagaal ku koraan balse ay u baahanyihiin inay ku koraan jawi caafimaad qaba iyo mustaqbal ku salaysan horumar, waxbarasho iyo nolol. 
Dallad ahaan waan hubnaa inaad nala ogsoontihiin in wixii nabad iyo is-afgarad lagu xallin waayo in aan dagaal, xasarad iyo qori caaradii lagu xallin karin. Caqliga toosani marnaba ma oggolaanayo colaadda noocan oo kale ah ee geedka hoostiisa ha loo soo noqdo oo wixii khilaaf iyo is-maandhaaf ah waa in lagu dhameeyo wada hadal iyo is-afgarad. Waan hubnaa in Golayaasha Qaranka Somaliland iyo shicibkiisuba ay dedaal xooggan ugu jiraan soo af-jarida colaada deegaanka, laakiin waxa xalka furdaamintiisa iyo in la gaadho nabad waara aasaas iyo fure u ah inaad dhinaciina la timaadaan aqbalida nabada iyo ogolaansha in lagu wada nolaado nabad iyo wada-shaqeyn danta deegaanka iyo dadka ku nool.
Boggaadin
Dallada SSE waxay boggaadinaysaa ama dhiirinaysaa dedaalada ay ku jiraan Goloyaasha Qaranka, gaar ahaana dedaalka Xukuumadda, Xisbiyada Qaranka, Salaadiinta, Cuqaasha iyo wax garadka reer Somaliland. Anaga oo ogsoon hawsha la geliyay arrinkan ayaa haddana aanu si xushmadi ku jirto u codsanaynaa in khilaafkan iyo colaadan oo dhowr jeer soo noqnoqdey loo helo xal waara oo kama dambeys ah.
Gunaanad
Gunaanad ahaan Ilaahay ayaynu ka baryaynaa inuu ina garansiiyo wanaaga, xaqa iyo halka ay danta Somaliland ku jirto. Waxa naga talo ah in muwaadiniinteena reer Ceel-Afweyn ay colaadda si bilaa shuruud ah u joojiyaan oo ay u dhego nuglaadaan mas’uuliyiinta Somaliland, Ciidanka Qaranka Somaliland, Xeerbeegtida iyo inta samaha ka Talisa. Dallada SSE waxa ay idinku garab garab taaganahay inaad nabada iyo samaha ogolaataan oo aad u tudhaan danta deegaanka iyo ta guud ee dalka iyo dadka reer Somaliland.

Alle ayaa mahad leh,

Guddiga fulinta ee Dallada SSE
Wixii faahfaahina kala soo xidhiidh:
00 45 25 53 93 15

Advertisement

Ku Xayeysiiso