War-Saxaafadeed Danjiraha Ingiriiska Oo Booqday Xarunta Dhaqanka Eehargeysa Oo Lagu Qabtay Bandhiga Caalamiga Ah Ee Buugaagta

 

Somaliland 22nd July 2017: Danjiraha Ingiriiska David Concar oo galabta ka hadlay xarunta dhaqanka ee Hargeisa International book fair, xaflad loogu dabaal dagayo dhaqanka somalida, hidaha iyo fikradaha. Danjire Concar ayaa sheegay in UK ay tahay deeq bixiyaha ugu weyn ee caalamiga ah ee Somaliland,  waxaana taageerada soo jireenka ah ee UK siiso reer Somaliland abuuray qurbojoogta iyo xidhiidhka taariikhiga ah.

Danjire Concar sidoo kale wuxuu iftiimiyey in fursadda doorashada November ee madaxweynaha ay ka dhigantahay in ay Somaliland dib u xaqiijiso ‘sumcadeedii dhinaca dimuquraadiyada’ iyadoo ku qabanaysa wakhtigii loo qoondeeyey si cadaalad ah, loo dhanyahay, taasoo keenaysa in natiijada doorashada ay aqbalaan dadka reer Somaliland. Waxa uu sheegay in saxafiyiintu ay ka ciyaareen door muhiim ah dimuquraadiyad kasta, dhiirigaliyeenna dood siyaasadeed iyo ixtiraamka xoriyadda warbaahinta.

Danjiruhu Wuxuu walaac ka muujiyey abaaraha mandaqadda. ‘waa xaq’, ayuu yidhi in la xasuusto abaarta daran ee joogtada ah ee ku abuurtay dhibaatada dadka reer Somaliland. Si loo caawiyo dadka ay abaartu Saamaynta xoogan ku yeelatay, UK waxay kordhisay gargaarka degdega ah in ka badan $200 m. taageeradan ayaa illaa hadda waxa wax ka tartay helitaanka biyo nadiifa iyo cunto illaa 1 milyan oo qof, iyo daryeel caafimaad oo degdeg ah Inka badan nus malyuun qof, oo ay ku jiraan tobanaan kun oo reer Somaliland ah. ‘Wakhti dhawna waxaan soo arki doonaa waxqabadkan’.

Danjiruhu waxa kale oo uu manta la kulmay wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr Sa’ad shire. Inta uu booqashadiisa ku guda jiro Danjiruhu waxa kale oo uu la kulmi doonaa madaxweyne, Axmed Mohamed Silanyo, wasiirka madaxtooyada mohamoud Hashi, Musharaxiinta xisbiyada siyaasadda iyo aqoonyahanadii ka qalin jabiyey barnaamujka deeqda waxbarasho ee ay UK bixiso (Chevening Scholarship Program). Waxa uu sidoo kale la kulmi doonaa xeer ilaaliyaha guud iyo gudoomiyaha maxkamada sare.

Uk waxay taageeraysay diyaargarawga dhinaca farsamada ee doorashooyinka Somaliland, oo ay ku jiraan, dhamaystirka geedi socod loo dhanyahay ee diwaangalinta codbixiyayaasha. Waxa sidoo kale ay UK taageertaa saxafiyiinta si ay usoo tabiyaan doorasho dheeli tiran, waxa kale oo ay UK  taageertaa garsoorayaasha , si ay ugu soo dabaalaan si dhakhso ah oo cadaalada oo sharciga waafaqsan, hadii wax khilaaf ahi kasoo baxo nimadaamka doorashada.

Danjire Concar waxa uu kala hadli doonaa inta uu ku jiro booqashadiisa, sida ay UK ula shaqayso dawlada Somaliland iyo dhinacyada kale si loo dhiso kaabayaasha muhiimka ah loona taageero bixinta daryeelka caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada kale ee dadweynaha. Oo ay ku jiraan sanduuqa horumarinta Somaliland ee UK hormoodka u tahay.

UK waxay taageertaa dadaalka caafimaadka iyo waxbarashada iyadoo ka shaqaynaysa in la kordhiyo tirada hooyooyinka xiliga dhalmada iyadoo ay la joogaan xirfadlayaasha caafimaadka iyo waliba in la kordhiyo tirade hablaha iskuulka loo diro. Waxaanu sidoo kale ka caawinnaa wax ka qabashada caqabadaha horumarka dhaqaale ee Somaliland, iyadoo la balaadhinayo wax soosaarka iyo qaybinta tamarta cusboonaata, ujeedaduna tahay si loo yareeyo kharashka korontada loona kordhiyo tirada dadka reer Somaliland ee hela korantada.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso