Gudaha Ka Eeg : Buugga Diiwaanka Maansada Timacadde Oo La Daah-Furay .

 

Shirkadda daabacaadda xayeysiisyada casriga ah ee SAGALJET, ayaa si rasmi ah u daah-furtay  buugga diiwaanka maansada Timacadde oo lagu ururiyey maansooyijnka abwaankii caanka ah ee Cabdilaahi Suldaan Timacadde.

Daah-furka buuggan lagu ururiyey maansooyinka Abwaan Cabdilaahi Suldaan Timacadde oo uu isku soo dubo-riday, soona ururiyey qoraaga caanka ah ee Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale(Boobe), ayaa lagu ballaysimay xaflad si ballaadhan loo agaasimay oo caawa lagu qabtay Hutel Maansoro ee magaalada Hargeysa.

Madasha lagu daah-furay buuggan waxa ka qaybgalay abwaanno, qoraayo, ganacsato,wasiirro, xildhibaanno, siyaasiyiin, hormoodka naadiyadda akhriska ee dalka ka jira, dhallinyaro, haween iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana xubnihii halkaas ka hadlay, ay si hufan u sheekeeyeen taariikhda ma guuraanka ah ee Abwaan Cabdilaahi Suldaan Timacadde, suugaantii uu ku tegay iyo ma hadhooyinka nolosha furaha u noqday ee laga dhaxlay.

Madaxa Xidhiidhka dadweynaha iyo Suuq-geynta shirkadda SAGALJET Md. Sacad  Cabdi Daahir  ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay inuu qof waliba u hollado soo bandhigidda dhacdooyinka iyo waxyaabaha kale ee muhiimaadka bulshada u leh ee maankiisa ka guuxaya, isla markaana ay shirkadda SAGALJET diyaar u tahay inay qurxinta iyo naqshadaynta waxyaabahaas ay qayb libaax ka qaadato, isaga oo sharraxaad dheeri ah ka bixiyey guulo badan oo shirkadda SAGALJET ku tallaabsatay iyo sida ay uga qayb qaadatay soo bandhigidda taariikhda shakhsiyaadka bulshada magaca ku leh.

Abwaaniinta kala ah Yuusuf Cabdille Cismaan(Yuusuf Shaacir) iyo Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) oo halkaas ka hadlay, ayaa  si isku mid ah u sheegay inuu Abwaan Timacadde ahaa qof caan ku ah ilaalinta danta guud ee umadda ka dhaxaysa, isla markaana waqti badan geliyey sidii uu hogo-tusaaloooyin dhaxalgal ah bulshada ugu habi lahaa, kuwaas oo ilaa maanta la manaafacaadsado erayadii uu ka yidhi nacaybka qabyaaladda.

Qoraa Maxamed Ibraahim Xujaale, ayaa ka sheekeeyey shakhsiyaddii abwaan Cabdilaahi Suldaan Timacadde iyo sidii uu ugu dedaali jirey inuu bulshada digo dhaqannada liita ee waxyaallada ku mustaqbalkooda dambe.

Abwaan/Suxufi/Qoraa Cali Axmed Raabi(Cali Seenyo), ayaa shaaca ka qaaday in dhaxalkii uu tegay Abwaan Cabdilaahi Suldaan Timacadde si weyn loo intifaacsaday oo in badan oo umadda afka Soomaaliga ku hadasha kamid ahi si maalinle ah uga durduurtaan suugaantii uu hogo-tusaalaynta ugu talo galay, isla markaana uu tusaale wacan u noqday waddaniyadda.

Maxamed Cabdi Darbo oo ku hadlay magaga shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM, ayaa da’yarta ku dhiirrigeliyey inay guntadaan oo wax ka bartaan dhaxalkii uu bulshada u tegay Awbaan Cabdilaahi Suldaan Timacadde, isla markaana laga dheeraado wixii uu umadda uga digay, waxana madasha kaga dhawaaqay inay shirkad ahaan iibsadeen Boqol(100)nuqul oo kamid ah buugga Diiwaanka maansada abwaan Cabdilaahi Suldaan Timacadde ee uu qoray Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale(Boobe).

 

Xasan Xiis oo magaca shirkadda DAHABSHIIL ku hadlay, ayaa si weyn u ammaanay qoraaga diiwaanka maansada awbaan Cabdilaahi Suldaan Timacadde oo ah qoraa Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale Boobe oo uu ku tilmaamay shakhsi u heellan inuu diiwaangeliyo dhacdooyin lama-huraan u ah nolosha bulshada iyo weliba soo bandhigidda dhaxalka qarsoon ee ay ka tageen dadkii bulshada magaca iyo maamuuska ku lahaa.

Wasiirka hawlaha guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Md. Cali Xasan Maxamed(Cali-marreexaan) iyo  Safiirka Somaliland ee dalka Ethiopia Md. Ambassador Cali Salaan Jirde(Cali-shoombe), ayaa si weyn ugu mahadnaqay qoraa Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale Boobe, iyaga oo bulshadana ka codsaday inay u dhug yeeshaan oo qaataan waanooyinkii iyo wax sheeggii uu ka tegay abwaan Cabdilaahi Suldaan Timacadde.

Qoraa Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale Boobe oo isagu ah qoraaga ku faro yaraystay buugga diiwaanka maansooyinka abwaan Cabdilaahi Suldaan Timacadde oo ugu dambayntii halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday taariikhdii hore, tii dhexe, tii dambe iyo tii suugaaneed ee abwaanka, waxana uu sheegay inuu ahaa qof waddani ah oo aragti dheer oo hufan lahaa.

Qoraa Boobe Yuusuf waxa uu sheegay in daabacaaaddani tahay tii saddexaad ee diiwaanka maansada abwaan Timacadde, isla markaana uu xil weyn iska saaray sidii uu buuggani u noqon lahaa mid umaddu ka faa’iidaysato, isaga oo da’yartana u sheegay inay weli furan tahay wax ka qoridda maansooyinkii abwaanku, waxana uu yidhi,“Buuggani waa boqol iyo konto maanso, laakiin dhallinyarada waxa u taalla inay maansooyinkiisii kaftanka ahaa qaataan oo ay buug ka dhigaan sugaantii Cabdilaahi Suldaan waxan filayaa wax badan oo la doon doonayaa inaanay jirin.”

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso