Madaxweyne Siilaanyo oo Xeer Madaxweyne ku Magacaabay Laba Degmo oo Cusub

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu xeer Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4911/072017 uu ku magacaabay laba degmo.

 

Madaxweynuhu:

 

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad iyo Qodobka 109aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Arkay:                     Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax-ka-beddelidda Qaab-dhismeedka Dalka;

 

Markuu Tixgeliyey:            Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada, Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanka;

 

Markuu Tixgeliyey:            Baahida loo qabo in Degmooyinka Dacarta iyo Ceegaag loo magacaabo Degmooyin cusub;

 

Markuu Dhegeystay:         Soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha;

 

Wuxuu go’aansaday;

 

  1. In uu Dacarta u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Maroodi-
  2. In uu Ceegaag u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Caynabo.

  

Advertisement

Ku Xayeysiiso