Gudaha Ka Eeg :Ciidanka Dab-demiska Qaranka oo Loo Bilaabay Tababar ku saabsan Xumbada lagula Dagaalamo Dabka +Sawiro

Ciidanka Dab-demiska  Qaranka Somaliland Gaar ahaan Magaalooyinka Hargeysa, Wajaale Iyo Burco ayaa waxaa Loo Bilaabay Tababar ku saabsan Fuumta ama Xumbada lagula Dagaalamo Dabka[Foam] kaasi oo socon doona Muddo ayaa waxaa Ciidanka Lagu bari doona sida loo isticmaalo Xumbada Dabka lagula dagaalamo iyo qaabka loogula diriro dabka marka la adeegasanayo.

Tababarkan ayaa waxaa bixinayay Maamulka Sare ee Ciidanka Dab-demiska Qaranka, Taliyaha Ciidanka Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili, Taliye Xigeenka Cabdixamiid Faarax Iidle, Agaasimaha Fulinta Cabdiqaadir Cumar Xaashi, iyo hogaanada kala duwan ee ciidanka dab-demiska. Tababarkan ayaa intuu socon doono waxaa ciidanku ka faaidaysan qaybaha kala duwan ee xumbada dabka lagula dagaalamo iyo sida loo adeegsado iyo sidoo kale sida loogula diriro dabka.

Ugu horayn Taliye xigeenka Ciidanka Dab-demiska oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in maanta loo bilaabayo tababarka dufcada afraad tababarkaas oo ku saabsanaa xumbada, waxaanuu taliyuhu sheegay inay dufcada afraad ay soo qaateen dhamaan tababaradii kala duwanaa ee looga baahnaa inay qaataan si ay u noqdaan dabdamiyaal ayay tanina waxay ka mid tahay tababaradaas qaybihii u dambeeyay ee ay qaadanayeen.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Dab-demiska ayaa isna dhankiisa sharax badan ka bixiyay qaybaha kala duwan ee ay ka koobantahay xumbadu Waxaanu taliyuhu sheegay inay ka koobantahay laba qaybood isla markaana marka dab lagu isticmaalayo marka hore la sameeyo qiimeyn inay ku filantahay xumbadu dabka iyo inaanay ku filnayn markaasuubaa la isticmaali karaa. sidoo kale taliyuhu wuxuu sheegay in marka la tijaabinayo xumbada dabka lagula dagaalamo inay tahay mid fiican iyo inay tahay mid xun waxaa lagu kala ogaan karaa waxaa lagu tijaabinayaa meel cidlo ah isla marka ay kala baxdo biyaha iyo xumbada ayaa xumbada xumina kala baxeedu degdegayaa ta kale ee wanaagsanina ay raagaysaa. dhanka kale taliyaha ayaa sharax badan ka siiyay ciidanka qaabka loo isticmaalayo.

Agaasimaha Fulinta Ciidanka ayaa isna goob joog ka ahaa tababarkan oo socon doona muddo, sidoo kalena maaha markii ugu horaysay ee tababaro noocan oo kale ah loo sameeyo ciidanka balse waxaa tababaradan oo kale ay dufcadaha ka horeeyay ee ciidanku ay soo qaateen dhamaantood.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso