Gudaha Ka Eeg : Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta xarunta hay’adda shaqaalaha Dawladda u tegay qaadashada kaadhka codbixinta iyadoo ay wehelinayaan Marwada koowaad ee qaranka Somaliland iyo xubno ka mida golaha wasiirada xukuumadda.

Madaxweynaha oo ay wehelinayso marwada Qaranka marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde iyo wasiiradda Madaxtooyada, md Maxamuud Xaashi Cabdi, xanaanada xoolaha, md Maxamed Cabdilaahi Daahir (Cukuse), wasiirka warfaafinta, md Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani) iyo xoghayaha gaarka ah ee madaxweynaha Md Cali Axmed Cali.

Advertisement

Ku Xayeysiiso