Gudaha Ka Eeg :Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Xog-Hayaha Guud Ee Xisbiga UCID Ayaa Maanta Socdaal Ku Maray Degmada Gumburaha Iyo Xarunta Gobolka Hawd Ee Balli-Gubadle .

Waftigan oo uu hogaaminayay Xog-hayaha Guud Ee Xisbiga UCID Ismaaciil Cabdi Daahir isla markaana ay xubno ka ahaayeen Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex Mudane Maxamed Aadan, Xoghayaha Warfaafinta Yuusuf Kayse, Xog-hayaha Xidhiidhka Gobolada C/qani Salaf, Gudoomiyaha Garabka Haweenka Ee Gobolka Maroodijeex Xafsa Xirsi, Saraakiil sare oo ka tirsan Xisbiga, Xubno sare oo ka mid ah Garabka Haweenka iyo Masuuliyiin kale .

Ujeeddada socdaalkan ayaa Daarnaa sidii bulshada Deeganadasi loogu soo wacyi galin lahaa qaadashada kaadhka Diinwaangalinta.

Waxaana Waftigani uu socdaal ku maray Deegaanno hoos taga Degmada Gumburaha Iyo Gobolka Hawd, Waxaanay Waftigu Deegaanadaasi kala kulmayeen Soo dhawayn Diiran .

Xog-hayaha Warfaafinta iyo Xog-hayaha Xidhiidhka Gobolada oo Bulshada u jeediyay khudbado, ayaa ku wacyigaliyay bulshada in ay qaataan kaadhka, si ay go’aan uga gaadhi karaan noloshooda masiiriga ah .

Sidoo kale waxaa halkaasi bulshada kala hadlay Masuuliyiin isugu jiray Cuqaal iyo xubno kale kuwaas oo dhamaantood iska daba maray muhimadda kaadhka codayntu u leeyahay mustaqbalkooda .

Gudoomiyaha Garabka Haweenka Ee Gobolka Maroodijeex Xafsa Xirsi oo halkaasi ka hadashay ayaa bulshada Deegaanadaasi ku adkaysay qaadashada Kaadhka Codaynta, Sidoo kalena waxay wacad ku martay in Deegannadani ay Codkooda Siin doonaan Murashax Faysal Cali Waraabe .

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Xog-hayaha Guud Ee Xisbiga UCID Mudane ismaaciil Cabdi Daahir, waxaanu ku booriyay bulshadaasi in ay qaataan kaadhka codaynta .

Xog-hayuhu waxaa uu ku dheeraaday waxqabad la’aanta ka jirta Deeganadaasi, isagoo bulshada Deegaanka Balli-Gubadle ugu baaqay in ay maanta nafta dul dhigaan Murashax Faysal Cali Waraabe .

Ugu danbaynta Socdaalka Waftigan ayaa ku soo dhamaaday guul, iyadoo masuuliyiintu ay caawa ku soo nabad-noqdeen Caasimadda Dalka ee Hargaysa .

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso