Gudaha Ka Eeg :Guddida Laanta Toronto Ee Xisbiga Kulmiye Oo La Magacaabay .

 

KULMIYE TORONTO

TIXRAAC: XK/GKT001/2017                                  16/07/2017

 

UJEEDO: Magacaabis Guddida Laanta Toronto

 

KUGudomiyaha North America Kulmiye

OG: Hogaanka North America

OG: Guddiga Fulinta Xisbiga Kulmiye  North Ameirca

OG: Gudoomiyaha Canada Kulmiye

OG: Gudoomiyeyaasha Laamaha Xisbiga USA iyo Canada

OG: Xarunta Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Hargeysa S/LAND

OG: Xoghayaha Guud Xisbiga kulmiye Hargeysa S/LAND

 

Guddida Guurtida ee LaantaToronto iyo Nawaaxigeeda, fadhi ay maanta 16 July, 2017 yeesheen, waxay aad ugu lafa gureen hawlaha Xisbiga, iyagoo ka duulaya qodobaddan:

 

  1. Xallinta Xuruguftii uu u xilsaaray Gudoomiyaha North America Mustafa Cabdi Cartan isagoo u cuskadey Qodobka 55 aad, farqayadiisa 1aad, 2aad iyo 3aad ee Xeerka dastuurka Kulmiye, Xurguftaas oo ahayd in qaar ka mid ah Guddiga Laanta Toronto ay is hortaageen ama diideen in ay Xubnihii ka  soo diga rogtey Ucid (garabkii Jamal Cali Xuseen) iyo garabkii Wadani (garabkii Ahmed Muunin Seed) ay ku soo biiraan Xisbiga kulmiye Laantiisa Toronto.waxay kaloo diideen in la soo dhaweeyo Mudan Jamal Cal Xuseen oo ah madax sare oo Xisbiga Kulmiye ah.

 

  1. Ku soo Biirista labada garb ee kor ku xusan laanta Toronto Xisbiga Kulmiye.

 

Markii aan labadaas qodob qaada dhignay waxaan go’aan ku gaadhnay sidatan:

 

Waxaan isugu yeedhnay guddidii hore ee Laanta Toronto iyo xubnihii ku soo biiray Xisbiga, waxaase diiday in ay ka soo qayb galaan shirkaas qaar ka mid ah guddidi hore ee Laanta Toronto.

Markaa waxaan isla qaadnay in xubnihii ay soo xusheen ee ka soo diga rogtey labadaa garab ee kor ku xusan in ay ka mid noqdaan Guddiga fullinta ee Laanta Toronto, isla markaana la buuxiyo jagooyinkii ay baneeyeen xubnihii qaadacay shirka aanu kor ku xusnay.

 

Haddaba Qaab dhismeedka Guddiga fullinta Laanta Toronto ee ku meel gaadhka ah oo la dhamystiray, waxay Guddiga Guurtida Toronto ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah xubnaha hoos ku qoran:

 

  1. Yaasin Cabdi Xasan Gudoomiye ( garabkii Wadani)
  2. Shucayb Cabdilaahi Xasan Guddomiye ku xigeenka kowaad ( garabkii Ucid).
  3. Ibtisam Jaamac gudoomiye ku xigeenka labaad
  4. Filsan Cabdiraxman  Gudoomiyaha garabka Haweenka
  5. Khaalid Ibraahim –Rashiid Maxamed gudoomiyaha garabka dhalinyarada
  6. Khaalid Cabdiraxman Muxumud Xoghayaha Guud (garabkii Ucid)
  7. Axmed  Ibraahim Dhegeweyne xoghayaha Dhaqaalaha
  8. Abdirisaaq Ismaciil  xubin ( garabkii Ucid)
  9. Cumar Cawaale Good Xubin ( garabkii Wadani).

10..Kanediid Maxamuud Xaaji Yusuf Xubin

11.Maxmmud Cismaan xubin

  1. Cumar Cabdi Maxamed  xubin

13.Jaamac Cabdi Cabdilaahi xubin

 

ALLAHA WEYN BAA MAHAD LEH.

 

Guddiga Guurtida Laanta Toronto:

 

1.Axmed Cali Sabeyse—Gudoomiye

2.Ducaale Maxamed Xirsi

3.Maxamed Yusuf Axmed

4.Xasan Guuleed

5.Adan Cabdilaahi Hanfi

6.Maxamed Yusuf Macallin

7.Cabdiraxiim Saleeban Dafle

8.Maxamud Cismaan Yusuf

9..Barre Axmed Maxamed

10.Adan Maxamed Cige

11.Deeq Cabdi Gurey

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso