Shacabka Degmada Qoyta oo Hadhimo-sharafeed ay Taageerada KULMIYE Ku Muujinayaan Ku Qaabilay Guddoomiye Muuse Biixi

Qoyta:(ToggaHerer)-Shacab weynaha ku dhaqan degmada Qoyta oo dhinaca Galbeed kaga beegan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa hadhimo-sharafeed ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE ku qaabilay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo.
Kumanaan ka tirsan shacabka ku dhaqan degmada Qoyta, ayaa maanta guddoomiyaha iyo waftigiisa si weyn usoo dhaweeyey ka hor intii aan hadhimada la gudo gelin, waxana guddoomiyaha iyo waftigiisu shacabka kala hadleen goob si gaar ah loo diyaariyey, iyada oo halkaasna ay hadallo dhinacyo kala duwan taabanaya ka jeediyeen qaar kamid ah haldoorka degmada Qoyta iyo weliba xubno ka mid ah waftiga.
Madasha lagu soo dhaweyeeyey guddoomiyaha iyo waftigiisa, ayaa waxa isugu soo baxay badiba shacabka ku dhaqan degmada Qoyta, kuwaas oo lulayey astaanta xisbiga KULMIYE, isla markaana ku geeraaraya weedho ay ku taageerayaan murrashax Muuse Biixi Cabdi.
Cuqaasha, waxgaradka, salaadiinta, aqoonyahanka, haweenka, xildhibaannada iyo siyaasiyiinta degmada Qoyta oo madasha hadallo ka jeediyey, ayaa si cad u sheegay inay shacab ahaan taageero buuxda u hayaan xisbiga KULMIYE, isla markaana codkooda la garab taagaan yihiin murrashax Muuse Biixi Cabdi, iyaga oo si mug leh uga mahadnaqay waxqabadka ballaadhan ee ay xukuumaddu ka hirgelisay deegaankaas.
Xubno kamid ah waftiga uu guddoomiye Muuse Biixi hoggaaminayo oo ay kamid yihiin Wasiirrada wasaaradaha Warfaafinta, Cismaan Cabdilaahi Saxardiid(Caddaani), Hawlaha guud, Cali Xasan Maxamed(Cali-marreexaan), wasiir ku-xigeenka madaxtooyada Cali-dhegoole, maamulka gobolka Togdheer iyo saraakiil kale oo halkaas ka hadlay, ayaa si weyn uga mahadnaqay soo dhaweynta la yaabka leh ee ay shacabka degmada Qoyta ku qaabileen guddoomiye Muuse Biixi iyo taageerada ay muujiyeen, waxana ay ku dhiirrigeliyeen inay codkoodana la ogaaday murrashaxa.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo isaguna hadal kooban u jeediyey shacabka degmada Qoyta ee taageeradiisa isu soo baxa ku muujiyey, ayaa dadweynaha si weyn ugu mahad celiyey, waxana uu ku adkeeyey inay horumarka xukuumadda taageeraan, isla markaana sii xoojiyaan taageeradoodii ay caanka ku ahaan jireen ee ay xisbiga KULMIYE siin jireen.
Sidoo kale guddoomiyaha iyo waftigiisu waxa ay socdaal kooban kusoo mareen deegaannada Balli-xagaa iyo Boodhley oo ah duleedka deegaanka Qoyta, waxana halkaas kusoo dhaweeyey taageerayaal tiro badan oo xisbiga KULMIYE ah, isaga oo halkaasna ugu mahadnaqay dadkii kusoo dhaweeyey.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso